Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo burburiyay warshad lagu sameeyo Khamriga + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
351155460_654688376675540_26290224264011

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Booliska ayaa howl-galkaas ku burburiyay warshad Khamriga samaysa oo ku taallay xaafad ka tirsan magaalada Boosaaso.

Qoraal kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howl-galka lagu baabi’iyay warshadda Khamriga ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha saldhiga bartamaha Boosaaso Dhamme Cabdullaahi Faras.

“Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso Dhamme Cabdilaahi Faras iyo ciidamo uu hogaaminayay ayaa caawa sameeyay Howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha waxaana inta ay howlgaladu socday lagu burburiyay Warshad khamriga lagu sameeynayay oo ku taalay mid ka mid ah xaafadaha Bosaso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland.

Taliye Cabdilaahi Faras ayaa dhankiisa sheegay inay sii wadayaan howl-galada ka dhanka ah maandooriyaha, “Waxaan had iyo jeer xoojin doonaa howlgaladan anagoo dabar goyn doona Maandooriyaha si loo helo deegaan xasiloon oo amni ah”

Ciidamada Booliska Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha, kuwaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, oo dhibaato badan ku haya bulshada maamulkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Garoowe uu iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalooyinka maamulkaasi.

353848281_654688170008894_42491302581612

353830877_654688203342224_67064058078673

353857074_654688333342211_41826779067728

353825774_654688256675552_72650893346582

353854928_654688136675564_84983732281545

351155460_654688376675540_26290224264011

354037701_654687946675583_31795757458800

353835587_654687963342248_18252519830675

353867905_654687990008912_63488714108884

The post Booliska Puntland oo burburiyay warshad lagu sameeyo Khamriga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this