Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed exposes Court supporters lies..

Recommended Posts

Nayroobi : Sh. Shariif oo beeniyay in ay hayaan ciidamo American ah.

 

Jimce, February 02, 2007

 

Nayroobi (AllPuntland)- Gudoomiyihii golaha fulinta ee maxkamadihii magaalada Muqdisho ayaa waxa uu beeniyay in maxkamadahu ay hayaan ciidamo American ah.

 

Sh. Shariif Sh. Axmed oo waraysigii ugu horeeyay muddo bil ah siiyay TV-ga Al jazeera isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi ayaa waxa uu ku sheegay in aysan jirin wax ciidamo ah oo ay hayaan haraadigii maxkamadaha ee ku gabanaya Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in laga sameeyo dib u heshisiin ballaaran oo ay ka wada qayb qaadanayaan dhinacyada kala duwan iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka oo dhan.

 

Waxa uu Sheekh Shariif ka hadlay wada hadaladii ay qaateen isaga iyo saraakiisha ugu sar sareysa safaaradda xukuumadda Maraykanka ee Kenya iyo madaxda Maxkamadaha, waxaana uu sheegay in ay isla qaateen in arrimaha dalka Soomaaliya wada hadallo laga galo.

 

Waxa uu intaasi ku daray in maxkamaduhu ay diyar u yihiin in ay xukuumadda la qaataan wada hadal oo sida uu sheegay ah xalka kaliya ee nabadda dalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Dhowaan ayaa warbaahinta gudaha dalka iyo caalamka waxa ay shaacisay warar ku aadan in ay jiraan ciidamo gaaraya 11 askari oo American ah oo ay hayaan ciidamadii haraadiga maxkamadaha magaalada Muqdisho oo ay qabteen xilliyadii ay socdeen dagaaladii ka dhacayay Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

Aljazeera TV

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is Shabbele only a day or so again lying out of their teeth..

 

Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah

 

Mogadishu 01, Feb.07 ( Sh.M.Network) Gudoomiyihii Fulinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo sii deyn lahaa askar badan oo Mareykan ah oo ay qabsadeen golihii Maxkamadaha islaamka.

 

 

Sheekh Shariif iyo Michel Renerberger

Sida uu soo daabacay wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta Ilo diblumaadsiyadeed lagu kalsoon yahay oo xiriir la leh Maxkamadaha islaamka ayaa maalintii shalay aheyd waxa ay u sheegeen wakaaladda wararka DPA in ka badan 4 wareeg oo wada hadal ah ay yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka golaha fulinta maxkamadaha iyo Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michel Renerberger isla markaana qaabilsan arimaha Somalia,

 

Wada hadaladaasi ayaa waxa ay ku aadanayeen ama safiirka uu kaga codsanayay Sheekh Shariif in Maxkamadaha islaamka ay sii daayaan 11 askari oo Mareykan ah oo gacanta ay ku dhigeen maxkamadaha islaamka, ka hor 3 todobaad oo dagaal dhulka ah ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ethiopia iyo ciidamada maxkamadaha islaamka.

 

Ilahaan oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in sheekh Shariif uu shuruudo ku xirey sii deynta askartaasi, iyadoo shuruudahaasi ay ka mid ahaayeen in ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan gudaha Somalia, in mareykanka uu joojiyo howlaha militari uu ka wado K/Somalia, In Sheekh Shariif laga wareejiyo dalka Kenya oo loo helo wadan kale oo amaan ah, iyadoo la filayo dalkaasi uu noqdo dalka Yemen iyo In Mareykanka uu dunida u sheego in 11 askari oo Mareykanka ah ay gacanta ugu jiraan golaha maxkamadaha islaamka.

 

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qodobadaan ay suurto galineyso in laga wada hadlo sii deynta askartaasi, iyadoo Sheekh Shariif uu sheegay in nabadgalyo aanu dareemeyn inta uu ku sugan yahay dalka Kenya.

 

Ciidamadan 11 ka ah ee Mareykanka ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qabtey dagaal dhinaca dhulka ah oo Mareykanka iyo xoogaggii Maxkamadaha islaamka ku dhex maray K/Somalia, ka dib duqeyntii Mareykanka uu halkaasi ka geystay.

 

Safiirka Mareykanka iyo Sheekh Shariif ayaa iyagu waxa ay kulamo dhowr ah ku qaateen magaalada Nairobi oo kuwaan ka horeeyay, hasayeeshee lama shaacin waxii ay ka wada hadleen iyo waxii ka soo baxay.

 

Kulamo afar wareeg ah oo shalay dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay saldhig u aheyd ka wada hadalka safiirka iyo Shariifka arimaha la xiriira sii deynta askartaasi.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuffaarta Mareykanka oo horey u inkiri jirtay in Ciidamo looga heysto Jaziiradda R/kambooni oo baryo ugu jirta sii deynta Maxaabiistaasi.

 

Nairobi,01,February-07 ( Qaadisiya.com) Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo iminka kusugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiin fara badan oo isugu jirta Kuffaar iyo Muslimiin.

 

 

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali Islamists set conditions for releasing American hostages

 

Somaliweyn Media Center (SMC) The defeated Islamic courts in Somalia have set conditions the release of eleven American soldiers witch the said abducted in southern Somalia during US ground mission in the area.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, the moderate leader of Somali Islamists presented the conditions during talks with US ambassador to Kenya in Nairobi, Arab diplomats said on Thursday.

 

The main condition was said as that US to confirm it has some hostages in Somalia and their soldiers are in the hands of Somali Islamic courts, some reports said.

 

US is yet to say soldier wre kidnapped in southern Somalia as repeatedly dismissed such speculations mainly from Arab Media.

Alkhaleej, UAE daily journal, quoted some Arab diplomats also the conditions include the withdrawal of Ethiopian troops in Somalia and the transfer of Sheikh Sharif to Yemen.

Earlier Washington denied a Somali Islamist Web site report that its retreating fighters had captured 10 U.S. soldiers, one of whom died of malaria.

 

Qaadisiya.com, which has been the Islamists' official mouthpiece in recent months, also said 'mujahideen' – who retreated to the remote south after being ousted from Mogadishu – planned to parade its U.S. detainees in front of media.

 

But a U.S. defense official, speaking on condition of anonymity, said: 'We don't have any U.S. service members that have been captured or killed in southern Somalia.'

 

Rumors have swirled for days among Somalis that U.S. soldiers may have entered the south around the time of Washington's air strike on Jan. 8 aimed at al Qaeda suspects accused of hiding among fugitive Islamists.

 

But there has been no independent confirmation of that, and analysts doubt Washington, which had a disastrous peacekeeping mission to the chaotic Horn of Africa nation in the early 1990s, wants to be so directly engaged again.

 

'It is a surprise the Americans are not admitting some of their soldiers were killed and some captured in the southern tip of Somalia where they fought with mujahideen,' said Qaadisiya.com, according to a translation from Somali.

 

One of 10 Americans taken prisoner died of malaria, it said, due to lack of medicines as roads were blocked by Ethiopian troops on one side 'and the enemy American war planes who would shoot at anything that moves on the other side'.

 

The other nine, being held near Ras Kamboni on the Indian Ocean coast near the Kenya border, would soon be shown to media with 'some important documents' found on them, it added.

 

Source: SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed "waa been ciidamada midowga maxaakiimtu askar maraykan ah gacanta kuma hayaan!!

 

Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ugu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ku tilmaamay Been abuur in Ciidamo Maraykan ah ay Maleeshiyaadka Maxaakimiintu haystaan

 

 

Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ugu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ku tilmaamay Been abuur in Ciidamo Maraykan ah ay Maleeshiyaadka Maxaakimiintu haystaan

 

 

madaxiigolihii fulinta ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ogu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ka hadlay kulamadii Qarsoodiga ahaa ee uula qaatay Sirdoonka Mareykanka iyo Safiirka Dawlada Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya Mr Ranberg

 

sheekha oo wareysi kooban siiyay -Tv Aljazeera ee saldhigiisau yahay Magaalada Qatar,

 

sheekh shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay Diplomaasiyan badan oo kala duwan oo Mareykan ah,iyagoo ka wada hadlay sidii nabad buuxdallooga abuuri lahaa Dalka Soomaaliya,lana heshiisiin lahaa Dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Xubnaha qunyar socodka ee Maxaakiimta.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa intii uu joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kulamo heer sare ah kula qaatay madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo Dublamaasiyiin Reer Galbeed ah, isagoo sheegay in dhamaan kulamadaasi ay guul ku dhamaadeen uuna rajeeynayo in wax weyn ka soo bixi doonaan.

 

Gudoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Caafimaadkiisu aaad u wanaagsan yahay uusana la kulmin wax niyad xumo ah intii uu ku sugnaa Dalka Kenya si wanaagsana losoo dhaweeyay xiriir buuxana ay wada leyehiin dhamaan madaxdii Maxkamadaha ayna ku kala sugun yihiin gudaha iyo dibada.

 

 

Sh Shariif ayaa sheegay in aysan Ciidamada midawga Maxaakimta, gacanta ku heyn Askar Mareykan ah, isagoo been-abuur ku tilmaamay wararka kutira kuteenta ah oo Maalmahan lagu qorayey Shabakadaha Soomaaliyeed ee taageera Siyaasada Maxaakimta,

 

Sheekha ayaa ka codsaday taageerayasha Maxaakiimta inaysan sabab u noqon inay afkooda iyo qalinkooda ku bur buriyaan hamigii loo abuuray Maxaakiimta, maadaama ay xaaraan tahay in Qof Muslin iyo Diin baan wataa oranaya hadana Shacabkii been ku maaweelinaya.

 

 

olol news desk

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this