Deeq A. Posted June 12, 2023 Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmaya magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo ay isugu tageen madaxda kale duwan ee ka qeyb galaya shirka sanadkaan 2023. Meertada 14-aad ee IGAD ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah,kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin amniga horumarka Gobolka iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa gaaray Jabuuti, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay taagan tahay xaalado dhanka amniga ah iyo isbedelka cilimada oo saameyn badan dhaliyay. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka ku jira IGAD Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda, iyaga oo Jabuuti ay isugu tagtay madaxda ka qeygalaysa shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites