Sign in to follow this  
Saalax

kulan dhex maray Col. Dhancadde iyo odayaada SSC ee Laaska

Recommended Posts

Saalax   

Laascaanood(Jidbaale.com):-Waxaa maalin sadexaad kulan ku dhexmaray magaalada Laascaanood odayaal ka soo jeeda SSC iyo ninka Malayshiyada Hargeysa ee magaalada Laascaanood haysta ee lagu Magacaabo Dhancade oo ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Burco.

 

Kulankan oo ahaa mid uu codsaday Dhancade ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah odayaashada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, Dhancade ayaa ugu horayn khudbad dheer oo isugu jirta Hanjabaad iyo Tookhid u jeediyey odayaasha isaga oo sheegay in uu maalmahanba ay jireen dhaqdhaqaaq wiilal ka soo jeeda SSC iyo niman ka yimi qurbuhu ka wadaan deegaanka Buurawadal iyo Dharkayn-geenyo waa siduu hadalka u dhigee, wuxuuna Odayaasha ugu sheegay Dhancade in aanay jirin cid ay maanta ka cabsi qabaan, wiilasha iyo tiknikada joogta Dharkayn-geenyo hadaanay odayaashu sida u dhakhsaha badan wax uga qaban ay deg deg u soo qabqaban doonaan.

 

Dhancade ayaa sheegay in ay hore uga dhigeen wax ay qabqabteen iyo kuwo ay Mandheera u dhaadhiciyeen kuwo hore isugu dayey in ay hawlgalo ka sameeyaan Dhaban Saar iyo Hawdka , kuwa hadda isku urursanaya Dharkayn Geenyo iyo Buurawadalna aanay waxba iskaga tirin doonin sidii kuwii horena ay soo qabqabanayaan ayuu yidhi Dhancade.

 

Dhancadde ayaa ku goodiyey in aanay odayaashaasi dib ka soo caban marka ay dagaal ku qaadaan Dharkayngeenyo oo hawlahooda fuliyaan.

 

Odyaasha deegaanka ayaa dhinacooda sheegay in Ciidanka iyo tiknikada ku sugan Buurwadal iyo Dharkayngeenyo ay Gacanta ugu jiraan Rag deegaanka u dhashay isla markaan Hogaan leh sidaas daraadeed aanay iyaga ahayn hawl u taala, ee Haddii Maamulka Hargeysa uu doonayo in uu talaabo qaado uu garanayo goobta ay ku sugan yihiin.

 

Odayaasha ayaa sheegay in Ciidanka ku sugan Buurwadal iyo Dharkayn Geenyo aysan ahayn maamulkii hore ay dagaaladu u dhexmari jireen ee ay kuwani yihiin Shacabkii SSC oo iyagu is abaabulay sidaas daraadeedna iyaga wax gacanta ugu jiraa aysan jirin ee ay iyaga u taalo wixii ay go,aan qaadanayaan, waxaana goobtaas laysku dhaafsaday hadalo kulkul iyada oo uu ku hanjabay Dhancade in ay layn-doonaan wiilshaas sidii kuwii hore aanay wax xabsi u taxaabi doonin, Odayaasha ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in sida muuqata hadda laga gudbay ruwaayadii labada maamul ee hadba dhinaca isula dilaami jiray oo maanta xaalku taagan yahay ragga SSC ka soo jeedo oo doonaya in ay deegaankooda ku soo noqdaan wax ay ka qabankaraana jirin, loona baahan yahay Dhancade in uu qalabkiisa qaato oo uu abbaaro lana arki doona xaal halkuu ku danbeeyo.

 

Odayaasha kulankaas ka qayb galay ayaa waxa ay uga digeen kuwa ka soo jeeeda SSC ee la shaqaysta maamulka Hargeysa in iyaga loo adeegsado weerar lagu qaado deegaankaasi, waxayna u sheegeen ragaas in aanu maanta xaalku ahayn wajigii Maamulada Hargeysa iyo Garoowe ku dagaalami jireen , ee maanta ragga jooga deegaannadaasi yihiin raggii u dhashay deegaanka SSC oo sooc ha, isla markaana aysan ku kad-soomin, weedhahan danbe ayaa ilo xog ogaal ahi sheegeen in uu aad uga gubtay Dhancadde isaga oo sheegay in ay maanta wixii laga bilaabo si feejigan xaaladaha ula soconayaan.

 

Kulankan dhexmaray Dhancade iyo Odyaasha SSC ayaa waxa uu la mid ahaa kulan 2004 ku dhexmaray Tuulada OOG Col Xaaxi nin lagu magacaabi jiray oo ahaa horjoogaha malayshiyada Hargeysa ee xilligaas isla markaana ka soo jeeday Hawdka Hargeysa, kaas oo xilligaas odayaal ugu goodiyey in ay duulaan ku soo ekey- nayaan SSC hasa yeeshee lagu dilay dagaalkii dhacay 29.10.2004 Abeesalay.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa dareen dheeraad ah ka muujiyey xaaladda ka taagan deegaanka SSC iyaga oo si niyad ah u soo dhaweeyey xoogaga SSC ee haatan ku sugan deegaanka, waxaana magaalada Laascaanood ka dhacay dibad baxyo lagu taageerayo Hogaanka SSC , waxa iyaguna dhinacooda cabsi xoog badani soo waajahday malayshiyada ka soo jeeda Burco iyo Hargeysa iyaga oo dareemay in arrimuhu yeesheen waji kale, kaas oo ay u arkaan in shacabkii deegaanka oo aan cid kale wahelin ay wadaan kacdoonkan dib u sifaynta ah , taas oo iyaga ku ah guul daro weyn oo aanay dhinacan ka filanayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this