Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1686571585295.jpg?resize=720%2C43

Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday dalka Hindiya.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka tacsiyeeyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac oo ku geeriyooday Dalka India, wuxuu ka mid ahaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland” ayuu yiri madaxweyne Deni.

“Waxaan Tacsi u diraya Shacabweynaha Puntland, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, eheladiis iyo qoyskii uu ka geeriyooday” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this