Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland oo Xabsiga loo taxaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gasho wareysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party.

Baaritaan ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taas oo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahay hawlihii loogu talo galay.

Xarigga ra’iisal wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey.

Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu danbayn ay boolisku xabsiga dhigeen, ka dibna ay baaritaan ku sameeyeen.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland oo Xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this