Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somalia oo ka degay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya Meertada 14-aad ee IGAD oo sanadkaan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka Madaxweynaha ayaana soo bandhigi doona doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.
Hoggaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argaggixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
353466189_790275912656166_89747033414305
353592250_790275955989495_60956913878486
353610978_790275989322825_61743809065045

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this