Sign in to follow this  
Cowke

Puntland: Qardho, Garowe, Las Canood Get More Rain

Recommended Posts

Cowke   

GAROOWE: Roobab ma hiigaan ah oo ka da'ay Garoowe, Laascaanood , Qardho.

Posted to the Web Oct 12, 03:48

 

Garoowe: (pp)- Roobab ma hiigaan ah ayaa qabtay magaalooyinka Qardho, Garoowe iyo Magaalada laascaanood , roobabkaas oo ahaa kuwo lixaad leh oo ay ku qobowsadeen dadka ku nool deegaanadaas.

 

Roobabkaan ayaa goobaha qaarkood ka gaystay dhibaatooyin aan saas u weynayn , iyadoo ay roobabkaas ay wateen Dabaylo iyo Baraha roobka oo aad u xoog weynaa.

 

Roobkan ayaa ka da' ay magaalada Qardho iyo Nawaaxigeeda, Laascaanood iyo Magaala madaxda Puntland Garoowe, isagoo si fiican u qabtay goobaha ka baxsan magaalooyinka ee ay daaqaan Xoolaha.

 

Roobabkaan ayaa meelaha qaarkood ka da'ayey muddo lagu qiyaasay 24-saacadood in ka badan oo isku xiga.

 

Magaalada Garoowe ayuu Roobkan haayey ilaa shalay iyo Saaka Subaxii hore , iyagoo biyaha Roobku ay xireen goobo mihiim ah oo ay dadka Rayidka ah ay horay u mari jireen.

 

Roobabkan ayaa waxay kaloo dhibaato u geysteen dadka Qaxootiga ah ee degan banaanka Magaalada , kuwaas oo Guryaha ay ku nool yihiin ay ka samaysan yihiin Kartoomo iyo Bacooyin aan xajin karin Baraha Roobka.

 

Saciid C/salaan

Puntlandpost- Garoowe, soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this