Cowke Posted October 13, 2009 GAROOWE: Roobab ma hiigaan ah oo ka da'ay Garoowe, Laascaanood , Qardho. Posted to the Web Oct 12, 03:48 Garoowe: (pp)- Roobab ma hiigaan ah ayaa qabtay magaalooyinka Qardho, Garoowe iyo Magaalada laascaanood , roobabkaas oo ahaa kuwo lixaad leh oo ay ku qobowsadeen dadka ku nool deegaanadaas. Roobabkaan ayaa goobaha qaarkood ka gaystay dhibaatooyin aan saas u weynayn , iyadoo ay roobabkaas ay wateen Dabaylo iyo Baraha roobka oo aad u xoog weynaa. Roobkan ayaa ka da' ay magaalada Qardho iyo Nawaaxigeeda, Laascaanood iyo Magaala madaxda Puntland Garoowe, isagoo si fiican u qabtay goobaha ka baxsan magaalooyinka ee ay daaqaan Xoolaha. Roobabkaan ayaa meelaha qaarkood ka da'ayey muddo lagu qiyaasay 24-saacadood in ka badan oo isku xiga. Magaalada Garoowe ayuu Roobkan haayey ilaa shalay iyo Saaka Subaxii hore , iyagoo biyaha Roobku ay xireen goobo mihiim ah oo ay dadka Rayidka ah ay horay u mari jireen. Roobabkan ayaa waxay kaloo dhibaato u geysteen dadka Qaxootiga ah ee degan banaanka Magaalada , kuwaas oo Guryaha ay ku nool yihiin ay ka samaysan yihiin Kartoomo iyo Bacooyin aan xajin karin Baraha Roobka. Saciid C/salaan Puntlandpost- Garoowe, soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites