Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Feysal Cali Warabe oo si yaab leh uga hadlay is-casilaadii guddoomiyaha iyo arrinta SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
Faysal-Waraabe.jpeg?fit=2048%2C1672&ssl=

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka  madaxtooyada, is casilaadii guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo arrinta Laascaanood.

Feysal ayaa si adag u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi, isagoo quus ka muujiyey qabsoomidda doorashooyinka Somaliland, wuxuuna ka dalbaday madaxweyne Biixi inuu dadka ku hago doorasho lagu kala badbaado.

Wuxuu sheegay in mustaqbalka Somaliland uu god dheer ku sii dhacayo, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood oo awood ciidan looga saaray militeriga Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiye Feysal Cali wuxuu ka hadlay is casilaada guddoomiyihii baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, isagoo sheegay in mar hore uu mudnaa in tallaabo laga qaado.

Hoggaanada Xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee Somaliland ayuu sidoo kale ku eedeeyey inay siyaasadda ku milmeen oo dowladnimada aysan u shaqeyn, balse ay meesha u joogaan raali gelinta Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yiri ciidanka qaranka Somaliland ayaa xasuuq ka geystay Laascaanood ee mar kale uu yiri waxaan raacsanahay go’aankii ka soo baxay odayaasha Laascaanood, ayuu mudnaa in talaabo adag laga qaado, balse nasiib darro xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ragga jooga waxay isku arkaan inay Muuse u shaqeeyaan,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Waraabe wuxuu Puntland iyo dowladda federaalka ku eedeeyey inay dab ka shidayaan gobolka Sool oo kicin bulsho ay ka wadaan magaalada Laascaanood oo shacabkii ku noolaa ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale dadka reer Laascaanood ayuu ku tilmaamay kuwo aan dantooda garaneyn, isagoo sheegay in hadda ay quud dareynayaan inay hoos tagaan dowladda federaalka, inta Somaliland iska diidan oo Puntland ku gacan seyraan.

Hoos ka daawo

  https://fb.watch/l5RyOb_LDG/?startTimeMs=113000&mibextid=YCRy0i

The post Daawo: Feysal Cali Warabe oo si yaab leh uga hadlay is-casilaadii guddoomiyaha iyo arrinta SSC appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this