Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan iska casilay Xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa…” Cabdirisaaq Khaliif

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay jagadaasi.

Laascaanood ayuu ku qabtay Shirjaraa’id oo uu waxyaabo badan kaga hadlay.

“Waxaan iska casilay Xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa”

Cabdirisaaq Khaliif Gudoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland .

“Somaliland Waxaan u hayey laba gaadhi oo midi yaallo Hargeisa , midina Laascaanood , Kii Hargeisa yaala waxaa la geynayaa beri xarunta Baarlamaanka , Kan Laascaanood ma waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo ” Ex guddoomiye Khaliif.

Waa kuma Hoggaamiyaha iscasilay ee Khaliif.

Cabdirisaaq  Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarashada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas.

Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya

Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga oo u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani.

Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani.

2021-kii ayuu ayuu isu sharxay xubin Baarlamaan isagoo ka soo baxay gobolka Sool.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa u doortay guddoomiye iyagoo mucaaradku ku bahoobay.

Maanta ayuu iska casilay guddoomiyenimadii, xubinimadii iyo weliba xubinimadii xisbiga Waddani.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this