Deeq A. Posted June 11, 2023 Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa uskacasilay xilkii uu ka hayay Somaliland, kadib muddooyin uu ku sugnaa goddoomiyaha golaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay khilaaf xoogga oo u dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka dhashay sida xukuumaddu u wajahday Laascaano. Dagaalka magaalada oo muddo socday ayaa khilaaf badan ka dhex abuuray Somaliland, madaxweyne Biixi ayaa amar ku bixiyay in magaalada laga geysto duqeymo, taas oo keentay mas’uuliyiin badan ka baxaan safkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites