Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Qarax Gaadhigiisa Loogu rakibay lagu dilay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal Gaadhigiisa Qarax Loogu rakibay +Khasaaraha & Sawirro

qarax.jpg

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho kaasoo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimada.

Sida wararku nagu soo gaarayaan gaari lagu soo xiray miino ayaa ku qarxay isgoyska xili iyo dad badan ku sugnaayeen.

Gaariga qarxay ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsan laamaha amaanka dowlada Somalia sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan inkastoo aan la ogeyn inuu la socday xiliga qaraxu dhacayey iyo in kale.

Xiliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa la sheegay iney xirneyd wadada Maka Al-Mukarama ka dib markii ciidamada DF ay gaadiidka shacabka u diideen iney maraan sababo aan la ogeyn awgood.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka oo halkaas ka wada baaritaano, iyadoo qaraxan uu ku soo beegmay 48 saac ka dib markii weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta liido halkaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 qof oo shacab u badan.

353607885_804779417765048_71684000136557

348384261_261551656555646_66409920801633353022012_804765251099798_77041071767689

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this