Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaankii saddexaad oo iska casilay Baarlamaanka UK iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Iscasilaada xildhibaanka xisbiga Conservative Nigel Adams ayaa dhabarjab kale ku ah Rishi Sunak.

Waa xildhibaankii saddexaad ee xisbiga Tory oo si degdeg ah isku casilay laba maalmood gudahood, taasoo dhalineeysa doorasho kale oo ku celis ah kuraasta la iska casilay.

Xildhibanka lagasoo doorto Selby iyo Ainsty ayaa xulafo la ah Boris Johnson balse lama xidhiidho iscasilaadiisu tii Ra’iisul Wasaarihii hore, Boris Johnson.

Isaga oo kuso qoray iscasilaadiisa Twitter-ka, 56-jirkan , waxa uu sheegay in xisbigiisa maxalliga ah uu doortay “musharrax cusub oo baarlamaanka ah” Jimcihii.

“Sharaf bay ii ahayd inaan matalo deegaankii aan ku soo barbaaray, wax ku bartay, waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo dadka isoo doortay taageeradooda wanaagsan tan iyo 2010kii,” ayuu qoray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this