Sign in to follow this  
N.O.R.F

A new Ethiopian 'base' in Somalia

Recommended Posts

N.O.R.F   

CIIDAMO ITOOBIYAAN AH OO FARIISIN KA SAMEYSANAYO DULEEDKA MAGAALADA B/WEYN

 

Isniin, 2, Apri. 2007 (HOL) Waxaa Markii ugu horeysay tan Wixii ka Danbeeyay Markii ay Ciidamda Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka oo wada socda kala wareegeen Maamulka Gobalka Hiiraan Maxkamadii Islaamiga ayaa lagu arkay Duleedka Magaalada B/weyn Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaasoo sida la sheegay Fariisin ka dhiganaya Deegaanka Jante-Kuweendisho.

 

Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka oo wada hadal kula yeeshay Deegaanka Jante-guudisho, Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaan la ogeyn dhab ahaan wax yaabaha ay ka wada hadleen maadaama aan Saxaafada loo ogoleyn in lagala hadlo warka ku saabsan soo dagi taanka Ciidamada Itoobiyaanka.

 

lakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in labada dhinaca ay ka wada hadleen arimo u badan qaabka iyo waliba sida ciidamdu dagayaan, iyo waliba Baraha ugu haboon ee Fariiisinka u Noqon karta marka laga soo tago halka uu kulanku ka dhacay oo ah Jante-guudisho, waxaana warku intaa ku darayaa in loo maleynayo in ciidamadaasi fariisin Rasimi ah ka dhigan doonaan Xarunta Dhaqan-calinta ee Iftiin oo horay u ahaan jirtay Xarun ay daganaayeen ciidamadii Maxkamadii Islaamiga,

 

Gudoomiyaha degmada B/weyn iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Gobey Cawaale iyo waliba C/raxmaan Buruko, oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Kulanka la yeelatay Saraakiisha Itoobiya ayaan ilaa hada iyagu wax faah-faahin ah arintaa ka bixin, taasoo u muuqata in aan loo ogoleyn in saxaafadu ka hadasho wararka ku saabsan ciidamada Itoobiya.

 

wararka Qaar ayaa Tilmamaya in arimaha ugu waa weyn ee Ciidamadan loo keenayo tahay sababo dhinaca Nabad-galyada ah, madaama Maalmihii aynu soo dhaafnay ay jireen Qaraxyo is xig xigay oo lagu qaaday Saldhiga Boolika iyo waliba Guriga uu degan yahay Ku-xigeenka Gudoomiyaha Maamulka Gobalka, halka wararka qaarna ay talmaamyaan in ciidamadu ay halkaa kala socon doonaan dhaq-dhaqaaq Hub sida la sheegay Magaalada Muqdisho ugu gudba Gobalada dhaxe.

 

dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ayaa muujinaya walaac la xiriira Ciidamadan la sheegay in la soo dajinayo duleedka magaalada B/weyn, gaar ahaan waxaa ay dadku cabsi weyn ka muujinayaan weeraro ay ku qaadaan kooxo ka soo horjeeda, taasoo ay keenta iska hor imaad wax yeelo geysta.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

E-mail: diini@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this