Sign in to follow this  
Saalax

Ceerigaabo Oo Lagu Qabtay Xafladda Soodhowaynta Maammulka Cusub Ee Waxbarashada

Recommended Posts

Saalax   

Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Lagu Qabtay Xafladda Soodhowaynta Maammulka Cusub Ee Waxbarashada.

 

CEERIGAABO(OWN) Xaflad Ballaadhan oo ay Soo Abaabuleen Ardayda wax ka barata dugsiga sare (Haji Adan Secondary School) ee Magaalada Ceerigaabo oo lagu qabtay isla xarunta dugsigaas sare ayaa ujeeddada munasibaddan loo qabtay ahayd soo dhowaynta maammulka cusub ee Guddoomiyaha W/Waxbarashada gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo dhowaan xilkaas la wareegey addib markii xukuumadda cusubi usoo magcawday iyo weliba Maammulaha cusub ee dugsiagan sare ee Ceerigaabo Maxamed Jaamac Faarax oo isagana dhowaan loo magcaabay halkaas.

 

 

35d0qwp.jpg

 

Munaasibaddan oo ay kasoo qayb galeen Madaxda laamaha dawladda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo Waalidiinta ardayda Guddiyada waxbarashada Ardayda waxka barata dugsigaas Saxaafadda Ururrada bulshada rayadka ah iyo dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay ayaa iyadoo guud ahaan lagaga hadlay hawlaha waxbarashada gobolka Sanaag oo beryahan danbe ay ka muuqato dardar gelin hor leh iyo sidii halkaas kor looga sii qaadi lahaa ayaa haddana Maammulaha dugsigaas Maxamed Jaamac Faarax oo dhinaca dugsigan munaasibaddaas ugu hadlayey wuxu in badan ka sheekeeyey heerarkii maammul-xumo hore ee dugsigani soo maray iyo waqtigan waxa iska beddeley isagoo sheegay ardayda dugsigan wax ka barata oo tiradoodu tahay 742 arday iyo macallimiintooda oo ah 23 macallin iyagoo kaashanaya maammulka cusub ee wasaaraddoodu usoo magcawday in ay muujiyeen dedaal sidii hore ka wanaagsan oo qaladaadkii halkaas hore uga jirey intooda badan la saxay halka inta yare e u hadhsanna lagu jiro dedaalkeeda sidii laysula sixi lahaa ayna u rajo weyn yihiin in ay guul dhammays tiran ka gaadhi doonaan.

 

 

13zs4rn.jpg

 

Guddoomiyaha Waxbarashda gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo isaguna munaasibaddan kka hadlay ayaa isagoo u mahad naqay kormeerayaashiisa waxbarashada iyo kusimaha maammulkii wasaaradda ee xilkan ku wareejiyey (Mr-Siigo) iyo maammulka ardayda dugsigan sare iyo weliba guddiyada waxbarashada iyo waalidiinta qaarkood waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa “Iskuulkan waxan ugu imid arday laba macallin midkoodna leeyahay xiisadda iiga bax midka kalena leeyahay soo gal labadaas macallin oo kan soo gelinayaa yahay kii lacagta suuqa kkga qaatay kan kalena yaahay kii aan waxba ka qaadan. Waxan kaloo ugu imid laba maammule oo midna gelinka hore haysto midna gelinka danbe haysto oo mid kastaaba nidaamkiisa samaystay mid kastaana ardayda lacagta/gunnada yar ee ay bixiyaan ka doonayo. Waxyaabahaas oo dhan waannu sxnay meeshana wax isdaba marin iyo macallin suuqa lacag loogu dhiibi karaa ma jirayso, macallinka taas lagu qabtana waa la eryi doonaa waxannuna u samaynay nidaam ay kusoo xerooto lacagta ardaydu bixiso”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Ardayda dugsigan wax ka dhigataa waa 742 arday kuwooda dhaqanka xun waan bartay waana dhawr wiil iyo hal gabadh waxana aad iyo aad aan ugu faraxsanahay ardayga markaa idhaahdo ina ayaad tahay ee uu i sheego ilaa hooyadiis ayaan gartaa waayo waa wada reer Ceerigaabo markkaa taasna waxan idiin sheegayaa waalidiinta haddaad tihiin ardayga xun lafta idinkaa leh oo jebin mayno laakiin dubka waa ka sugaynaa mana jirto sidii hore u dhacday macallin danbe oo gashi ama refeerto loogu soo qoran karo arday uu edbinayo oo aanu lafta waxba yeelin markaa waalidka taas aan oggolayn waxannu leenahay imminka kaxayso ilmahaaga”. “Waxan kaloo muddadii dhawr iyo tobanka casho ee aan xilkn jhayey oo dugsigan aan kusoo kallahayey kala bartay oo ilaa C-V-yadooda eegay oo xilkasnimadooda iyo shaqa wanaaggooda kala ogahay macallimiinta kan xun iyo kan wanaagsan iyo aqoontooda intaba”. Isagoo dhinaca macallimiinta ka hadlayana wuxu yidhi “Macallinta dugsigani waa 23 markii annu shrnayna dhamamantood iyaga ayaa go’aansaday in maammulaha dugsigan loogu magcaabo Maxamed Jaamac Faarax aniguna waan ansixiyey waxan kaloo manta idiin sheegayaa macallinka hal maalin habsaama warbixin madow ayaannu faylka u gelin doonnaa. Kan laba maalmood maqnaadana ganaax ayaannu gunnada iyo mushaharka ka saari doonnaa. Kan saddex maalmood bishii shaqada ka maqnaadana shaqada waannu ka eryi doonnaa oo cid ku habboon ayaannu ku beddeli doonnaa. Waxadna ogaataan xiisad laga maqnaan karaa majirto macallimiintoodiina waannu haynaa Laboratory-gii iyo Laborary-giina dugsiga waa u furnay”.

Maayorka Degmada Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna munaasibaddan ka hadlay ayaa isagoo ku ballan qaaday berkedda iskuulkan oo dayactir u baahn inuu samayn doono sidoo kalena beebabka biyaha uu dhowwaan dugsiga soo gelin doono inta ka horraysana biyaha berkeddan isagu kusii shubi doono waxa hadalladiisii kale ka mid ahh “Agaasimihii Dugsiyada Sare ee Somaliland ayaa markii uu halkan noogu yimid maammul ahaan shir nala galay oo nagu yidhi dugsigan sare qayladiisu wa nagu badan tahay nin cusubna waxbarashadii waa loo magcaabaye sidee idiinla muuqataa in wax loo saxi karo, waxan ku idhi ninka cusub ee la magcaabay ayaa kii wax saxi lahaa insha’ allaahu noqon doona, anigu waqtigaas maan ogayn in Aniis la magcaabay laakiin sidii aan sheegayey ayaa alle ka dhigayoo Aniisna marka warbixintayadii gudubtey ayaa lagu yidhi waxbaad saxaysaa ayaa la yidhiye deg deg u bax oo uu xaggan (Ceerigaabo) usoo baxay”. Isgoo hadaliisa sii watana Maayorku wuxu yidhi “Maalintii dugsigan iigu dnbaysey sidii uu ahaa iyo shalayto markii aan imid sidii aan ku arkay farqi weyn ayaa u dhexeeyey waxana dugsiga muddo gaaban gudeheed ka muuqda horumar weyn”. “Waxan rajaynayaa ceebtii dugsigan muddada badan innaka haysatey iyo aqoon yaran darted ardaydii marka imtixaanku yimaaddona qishka la yaaci jirey marka danbena Grade C & D ku baasi jirey ama dhicib jirey oo aynaan caado u lahaan jirin in aynu kazoo kabanano oo neecaw wanaagsani imminka muuqato oo ardaydeennu geli doonto qaybaha ugu horreeya ee waxbarashada dalka waxase loo baahan yahay dedaal iyo isku duubnaan arday iyo waalid iyo maammulkaba mahadnaq ballaadhanna waxan usoo jeedinayaa maammulka wasaaradda macallimiinta iyo ardayda dugsigan wax ka barata waxanna leeyahay barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen”.

Isagoo ka hadlaya dhinaca jaamacaddana wuxu intaas kusii daray “ardayda laynoo sheegy ee dugsigan wax ka barata ee 742 arday ah iyo ardayda dugsiyada sare ee iyaguna halkan ka furan wax ka barata intuba waxay u baahan yihiin jaamacad innakuna jaamacaddeennii waa ka dhega adkkaannay markaa waxan rajaynayaa in aynu usoo jeesnno hawsha jaamacaddeenna oo innakoo isku duuban maammuliyo wasaaraddan, ardayda, waalidiinta iyo dhammaanteenba aynu taas isk xilsarno oo sidaas aynu go’aansnno waayo haddii aynaan jaamacad u helin ubadkeenna ma wada geyn karno jaamacadaha kale ee dalka. Waxan kaloo idiin sheegaya in ay jiraan dhul badan oo jmcaddeenna la siiyey oo ay ka mid tahay gabadh reer Ceerigaabo oo habeen hore ila soo hadashay (Shamis Faarax Yuusuf”Dhagameed”) oo iisoo sheegtay iyaduna in ay jaamacadda siisay dhulka weyn ee fooqal-fayaaraha jooga ee xrunta gobolka horteed ku yaalla”.

Kusigeenka Badhasaabka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo ugu danbayn munaasibaddan ka hadlay ayaa isagoo halkas mahadnaq ballaadhan ugasoo jeediyey guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag ee muddada 20 casho ka yar xilkan hayey iyo weliba maammulka cusub ee dugsigan sare loo magcaabay wuxu sidoo kale waalidiinta ku boorriyey in ay la socdaan oo macallimiintana kala shaqeeyaan waxbarashada ubadkooda. Sidoo kalena ardayda ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan fursaddan waxbarashadooda ee qaaliga ah iyo in ay maammulka dugsiga iyo macallimiintoodaba ka danbeeyaan ana fa’iidaystaan, wuxuna ugu danbayn bulshada reer Ceerigaabo ugu baaqay in ay isku meel ugasoo wada jerestaan guud ahaan arrimaha horumarinta oo ay kow ka tahay waxbarashada iyo weliba arrimaha adkaynta nabadgelyada.

Dhinaca kalena guud ahaan waayeelkii/waalidiintii iyo waxgaradkii kale ee halkaas ka hadlay ayaa si weyn usoo dhoweeyey dardar gelinta waxbarashada Ceerigaabo iyo maammulka/guddoomiyaha cusub ee waxbarashada gobolka Sanaag oo aan lagu kala habaabin in uu yahay mid ku habboon kana midho dhalin kara hawlaha waxbaraashada gobolka Sanaag ee uu u xilsaaran yahay. Waxana xusid mudan ardayda dugsigan sare ee Ceerigaabo kasokow xafladdan ay qabteen in ay guud ahaan qurxin rinji iyo istambarba ku wareejiyeen dugsigoodan hawshaas oo iskood ardaydu isu xil saareen. Waxana ugu danbayn ardayda dugsigan sare ee Ceerigaabo ubaxyo qoorta u geliyeen qaar kalena guddoonsiiyeen guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan iyo maammulaha dugsigan sare ee Ceerigaabo Maxamed Jaamac Faarax.

 

 

s3n3nr.jpg

 

 

2ln8u13.jpg

 

 

9zooc5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this