Deeq A. Posted June 10, 2023 Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah oo loo soo waday Afrika. Sidoo kale waxaa la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka. Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku. Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan. Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka. VOA + Reuters.The post Turkiga oo qabtay lacag faalso ah oo loo waday AFRIKA appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites