Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Madaxweyne Deni oo si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1686385395477.jpg?resize=720%2C57

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2023, oo ay sanadka u fariisteen 22,626 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

“Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto”

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha  imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.

FB_IMG_1686385389669.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686385412675.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686385384869.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686385402673.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686385408557.jpg?resize=720%2C43 FB_IMG_1686385422313.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Madaxweyne Deni oo si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this