Sign in to follow this  
Deeq A.

Facebook oo sameynaya bar bulsho oo la tartanta Twitterka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Meta ayaa soo bandhigtay qorshayaal ay ku dooneyso bar bulsho oo la tartanta Twitterka.

Bartaas bulsho ayaa u oggolaaneysa macaamiishu inay raacaan akoonnada ay horey ula socdeen ee Instagram iyo habka sawirada lagu wadaago ee Meta.

Waxayna u suurtogalin kartaa macaamiisha inay u ogolaato inay kuwa ku xiran kasoo saaraan aaladaha wax baahiya sida Mastodon.

Afhayeen u hadlay Meta ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Shabakadaasi bulsho ay dhismo kusocoto.

“Waxaan sahaminaynaa shabakad bulsho oo baahsan si loo wadaago wararka cusub,” ayay yiraahdeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this