Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: President Yusuf arrives in Kenya meets with US officials

Recommended Posts

War deg deg ah: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Kenya.

20. november 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo xiray booqashooyin uu ku tagey dalal kuyaala Qaarada Africa, wuxuuna soo gaaray daqiiqado ka hor Magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku soo dhaweeyey Magaalada Nayroobi, Wasiiro ka socda dawladda Kenya, Golayaasha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee hada jooga Magaalada Nayroobi & Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalada Nayroobi, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya la socda wafdi ka tirsan dawladda Soomaaliya oo dhawaan ka raacay Magaalada Nayroobi.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa cagta soo mariyey dalalka Suudaan & Liibiya, waxa ayna sheegayaan wararku in sababaha keenay in lasoo dadajiyo ama lasoo xiro booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay arimo fara badan ama shaqooyin fara badan oo ku dhowraya gudaha dalka Soomaaliya.

 

Yuusuf ayaa saacadaha soo socda warbixin siin doona xubno ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Nayroobi, wuxuuna uga waramayaa booqashooyin uu ku tagey dalalka Suudaan & Liibiya iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay Madaxda dalalkaasi.

 

Wariyaasha ku sugan Hotelka uudegan yahay Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hotelka uu degan yahay uu markii uu galayba, uu hotelka soo gaaray Safiirka dawladda Mareykanka ujooga dalka Kenya oo lafilayo goor dhaw in Madaxweynuhu qaabilo ama la kulmo.

 

Safiirka dawladda Mareykanka ayaa kala hadlaya sida lasheegayo Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed arimaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadyada Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana markaasi ka dib la filayaa in ay labadan masuul wada qabtaan shir Jaraa'id, inkastoo ay yar tahay kalsoonida laga qabo in ay wada qabtaan Shir Saxaafadeed.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf & Wafdi uu Hogaminayo oo Gaaray Magaalada Nairobi

 

Wararka Naga Soo gaaraya Magaalad Nairobi Xarunta Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in uu Galabta Soo gaaray Madaxweyanaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed .

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo Indhowaaleba Safaro ku marayay Wadamada Libiya iyo Sudaan ayaa Galabta Abaare Casargaabkii waxaa uu ka soo degay Garoonka magaalada Nairobi Caasimada Dalka Kenya, Madaxweynaha iyo Wafdi oo uu Hogaaminayo ayaa waxa loo gel biyay hotelka uu ka degenyahay magaalada nairoobi .

 

Madaxweynaha oo kulamo gaar gaar ah la soo qaatay Madaxda Dalalka Libiya iyo Sudan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ku taxaluqay Xaalada Soomaliya iyo halka ay marayan qilaafka u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisul wasaaraha .

 

Intii u ku sugnaa Madaxweynuhu Dalka Libiya Caasimadiisa Tripoli ayaa Hadalo uu jeediyay uu ku soo qaaday kana mid ahaa in Shirka Dib u heshiisiinta Ka soconaya Jabuuti loo bedelo Magaalada Tripoli Caasimada Libiya .

 

Sikastaba ha ahaatee Masuul ka tirsan Xafiiska madaxweynah DFKMG ah Jamaal Faarax Aadan oo u waramayay SBCInternational ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo Wafdigiisaba ay galabta ka soo degeen caasimada Kenya , sida uu sheegayna waxa ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowlada , mar aynu weydiinay wafuuda uu hogaaminayo madaxweynaha in ay yihiin kuwo ka soo racay dalka dibadiisa ayaa waxa uu sheegay in ay markiihoreba ka raaceen Magaalada Nairobi marki uu ka dhoofayay .

 

Isku so wada duub oo Safarkan uu maanta gelinkeeda dambey ku yimid Magaalada Nairobi madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili uu manta Magaalada Nairobi Ka dhoofay Raiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Ruur Cade,

 

SBCInternational News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

THE prime minister was on a mission to deconstruct the TFG from the get go and weaken it in his moralistic hunt for an illusive deal with the courts. The TFG was forced to change its aggressive policies of containing the insurgents out of concern for the humanatarian disaster, yet it failed and led to the Shabaabs expansion and application of strict Sharia based norms. The long period of reconciliation efforts helped the courts and Alshabaabs have brief respite to recoup their strengths and shore up enough armaments to seize key towns and cities like Kismayo and Merka. Adde's plan was not only a bad strategy in the first place but deceptive and terminal to the TFG's earlier political gains . The TFG should have continued consolidating its power and winnowed the divisive elements out of the parliament.

 

Now that the president sees nothing but returning to the draconian measures he got used to it, I believe this painful but necessary decision would earn him sufficient support to prop up his government and reverse Shabaab's gains.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We shall see ina adeer. The President wasted a great deal of time, but he is most effective when he has a clear enemy to deal with, this time its Mesfin, Nur cade and the clowns known as Al shabaab in that order.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this