Deeq A. Posted June 10, 2023 Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayn soo af-jaray hawlgalkii ka socda hotelka Pearl Beach ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha Amniga ayaa laga soo xigtay in ay toogteen dhammaan dagaallamayaashii weerarka ku qaaday hotella kuwaas oo ka tirsanaa Al-shabaab. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay dad badan oo shacab ah ka soo badbaadiyaan hotelka intii hawlgalku socday. Wararka ayaa sheegaya weerarka ay ku geeriyoodeen dad aan weli tiro sugan laga helin oo ay ku jiraan dableydii weerarka fulisay, askar iyo rayidba. Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dusha saartay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in ay hotelka ku dileen ilaa 29 qof oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil. PUNTLAND POST The post Hawlgalkii hotel Pearl Beach oo la soo af-jaray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites