Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xogta deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo laga xoreeyey kooxda Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   
deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya Nabad sugidda Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano badan oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa burburiyey fariisimihii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada uu maanta howlgalkaasi ka dhacay oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,.

Waxaa la sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanadaas kadib markii ay ka war-heleen in Al-Shabaab ay joogaan oo xoolo uga uruursanayaan shacabkii deganaa deegaanadaas.

Deegaanada maanta kooxda lagu weeraray ee laga saaray waxaa ka mid ah Kaamjaroon, Yaaq Xalul, Kaliil, Buriyow, Buulo Xaaji iyo Yaaq-bishaaro oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Waa howlgalkii labaad oo ciidanka xoogga dalka ay Jimhihii maanta ka fuliyeen gobollada dalka, dhanka Galgaduud, ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga abaabulan ee dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeyea magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee bariga gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo ka hor ay ku qaaday Masagawaay.

Ciidamada iskaashaanaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Howlgallada ka socda deegaanadaas ayaa muhiim u ah ka hor tagga weerarrada ay Al-Shabaab ka geystaan deegaanada laga xoreeyey eek a tirsan bariga gobolka Galgaduud, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo qeyb ka ah masuuliyiinta hogaamineysa dagaalka.

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

352514041_642083111296727_23043512282286 352534064_642083284630043_20272483086052 ciidanka-xoogga-dalka-danab.jpg?resize=6 danab.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal

The post Sawirro: Xogta deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo laga xoreeyey kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this