Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kaydka ah ee SSC oo ku biiraya dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Guutooyin ka tirsan Ciidanka Kaydka ah ee SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan dagaalka Laascaanood.

Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan hubka culus ayaa sida la xaqiijinayo dhawaan u ruqaansan doona jiidda Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada kaydka SSC ee dagaalka ku biiraya ay ku jiraan cutubyo si gaar ah u tababaran oo ku hubaysan qoryaha diiradda leh.

Ciidankan xooggan ee ku wajahan jiidda Sool ayaa u muuqda mid dhinac u ridi doonta dagaalka Laascaanood oo socda in ku dhow lix bilood.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Kaydka ah ee SSC oo ku biiraya dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this