Somalina Posted October 23, 2010 Muqdisho: (Sh. M. Network) Fadhigii Xildhibaanada Barlamanka ee lagu waday in maanta uu ka dhaco xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho xili mudanayaasha Barlamanka maanta laga dhowrayay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda kMG. Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xogheenada barlamanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in uu baaqday fadhigii maanta ay ku balansanaayeen xildhibaanada Barlamanka, isagoo u sababeeyay baaqashada fadhiga cilad xagga farsamada ah, waxaana uu tilmaamay in saacadaha soo aadan ay sheegi doonaan xiliga uu furmayo fadhiga Barlamaanka. “Shirkii Barlamanka ee maanta lo balsanaa waa uu baaqday, waxaana uu u baaqday farsamo awgeed, waqtiyada soo aadan ayaana sheegeynaa xiliga uu furmayo kulanka barlamanka” ayuu yiri Xildhibaan Buulle Arbacadii la soo dhaafay ayay aheeyd Markii kulanka Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Mudanayaasha Barlamanka ay ku kala dareereen markii ay isku fahmi waayeen qaabka codka loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya. Ma’ahan markii ugu horeysay oo uu baaqdo kulan xildhibaanada Barlamanka laga sugayay ansixin xukuumad, ama Ra’iisul wasaare, waxaana bilihii la soo dhaafay dib u dhacayay kulamadii mudanayaasha Barlamanka ay codka ugu qaadi lahaayeen Xukuumadii Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali sharma’arke taasi oo markii dambe meesha isaga baxday iyadoo aysan cod u qaadin mudanayaasha Barlamanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 23, 2010 Shaleyna Madaxweyne Shiikh Shariif oo Mar Kale Codsi u Diray Xildhibaanada Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ka codsadey in ay dardargeliyaan kalsooni siinta iyo ansixinta Raysalwasaaraha dhawaan uu soo magacaabey Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). War murtiyeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay “Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ayuu 14kii bishaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed waxa uuna uga mahad celinayaa xildhibaanada iyo guud ahaan musharxiintii xilkaan danaynayey tanasulka iyo ballanqaadka ay ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub”. Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shaqooyin muhim ah ay xaniban yihiin, Raysalwasaaraha iyo golaha xukuumaddu waa hay’adda fulinta kuwaas oo looga fadhiyo in ay sugaan amniga, guddoomaan kaalmada bulshadu Soomaaliya ugu deeqdo, isla markaana ka shaqeeyaan adeegyada bulshada. Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in isagu gutay waajibkiisi dastuuriga ahaa, isla markaasna uu soo xulay raysalwasaare u qalma shaqada loo magacaabey, waxaana uu xusey in xildhibaanaddu sidoo kale ay gudan doonaan waajibkooda taariikhiga ah isla markaana ay kalsoonida siin doonaan Raysalwasaare Farmaajo, iyada oo xiligan caalamku u heelan yahay wax la qabashada Soomaaliya. Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa maalin ka hor (20.10.2010) la horgeeyey baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida, laakiin kulankii baarlamaanka ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan, kadib markii la isku khilaafey qaabka loo siinaayo kalsoonida, Waxaaana xildhibaanada dhexdooda ku jira guux badan oo ku aadan Raysalwasaaraha. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 24, 2010 Madaxweyne shariif oo gudoonk Barlamanka ugu baaqay in uu ilaaliyo Axdiga DKMG Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay gudoomiyha Barlamanka in uu ilaaliyo Axdiga dowladda KMG iyo waajibka XIldhibaanada Barlamanka. Aqriso Warsaxaafadeedka War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Soomaliya ayaa waxa uu ka hadlay xaaladdaha Adag ee dalka ka jira iyo arrimo sharci ah oo ku saabsan Ansixinta R/wasaaraha iyo caqabadaha hor taagan, Wuxuuna u qornaa Sidaan:- Sida ku cad Axdi Qarameedka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee Axdiga DFKMG ah). Baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha. Maadaama uu Baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo Madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada. Tan iyo markii la billaabay in Madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday raíisul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in Golaha Baarlamaanku is-hortaago raíisul wasaare Madaxweynuhu magacaabay. Qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka wuxuu dhigayaa: “Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo Golaha Baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto.” Sidaas darteed, shaqo billaabidda raíisul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta Baarlamaanka. 14-kii October ee sanadka 2010, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, wuxuuna 20-kii October horgeeyey Golaha Baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed. Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday in hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 142 xildhibaan ku codsanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan bareer ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 45 xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo raíisul wasaaraha. Axdiga DFKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo raíisul wasaare lasoo magacaabay. Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga.” Haddaba, maadaama aysan Axdi Qarameedka ku caddeyn hannaankii uu Golaha Baarlamaanku ugu codeyn lahaa raíisul wasaaraha, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: “ Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote).” Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka Baarlamaanka ee kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii. Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in Afhayeenka Baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, inuu soo saaray goáan uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo. Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona. Sidoo kale, waxa uu ka hor imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag). Waliba, qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, iyo goáankii uu qaatay Afhayeenka Baarlamaanka, waxay ka horímaanayaan qodobka 30-aad, faqraddiisa 6-aad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Axdi Qarameedka, Dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. Waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee Dastuurkii 1960-kii. Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad Xeer-Hoosaadka, Afhayeenku waa in uu hubiyaa in motion-ka la keenay uu Axdiga iyo Dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa in uu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn. Haddaba, goáankii Afhayeenka Baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay: a) Go’aanka Afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn Axdi Qarameedka. b) Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka horímaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo. c) Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan. d) Afhayeenku wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in raíisul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin. e) Wuxuu cabbiri waayey in uu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taas oo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed. Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qaranka ,gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla. Madaxtooyada Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 24, 2010 Shariif Sakiin will not stop meddling, 550 Geeljire meesha la isku keenay, khayr masoo wadaan. Qarsooodi ha lagu codeeyo kulahaa, Maxay qarinayaan? Kuwii lacagta qaadey yaan la arag ciday u codaynayaan miyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites