Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Soomaaliya ku soo bandhigtay kulankii lagu qabtay xarunta QM ee Beirut?

Recommended Posts

Deeq A.   
347249901_707411528092123_47721275608352

Beruit (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Beruit.

Wasiiro-dowlaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Nadiif), qubaro ka socdey wasaaradda beeraha iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb-galay madaashaasi.

Madashan ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la’aanta bulshada iyo sugnaanta cuntada, kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee magaalada Beruit.

Wasiir Yusuf oo ka qeyb-galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha wasaaradda kaga degan arrimaha bulshada, ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyey dowladda Lubnaan iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen.

Waxa uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto waddamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo dowalad dhiska Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wasaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faa’iidada uu u leeyahay diiwaanka bulshada nugul (Unified Social Registry).

Ugu dambeyntiina wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay dowaldda federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay siyaasadda ilaalinta bulshada, xaqiijinta amniga dalka, iyo dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo dhamaadka sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.

The post Maxay Soomaaliya ku soo bandhigtay kulankii lagu qabtay xarunta QM ee Beirut? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this