Sign in to follow this  
Deeq A.

Qormo: Ingiriiska oo u quus gooyay doodii Somaliland ee sheegashada Xuduudaha SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhi ay yeesheen xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Arbacadii toddobaadkan ayaa si qayaxan Soomaaliland loogu yiri “waa in aad si deg deg ah uga baxdaan gobolka Sool”

Dawladaha Ruushka, Maraykanka, Shiinaha, France iyo Ingiriiska ayaa leh shanta kursi ee joogtada ah ee Qaramada Midoobey, waxaana lagu daraa toban xubnood oo kale oo aan joogto ahayn, kuwaas oo la soo doorto muddo xileed labo sano ah.

Baaqaas aadka u kharaaraa oo arrimo badan oo kaleetana taabanayay, ayaa ka dhigan in Dawladda Ingiriisku ay siyaasad ahaan iska diidday doodda Soomaaliland ee ahayd in ay jirto xuduud uu Ingiriisku uga dhex-tegay dhulka Soomaaliya oo ay tahay in la ixtiraamo, xorriyadii 1960 kadib.

Marka la eego sida uu Golaha ammaanka iyo goloyaasha la midka ahi u shaqeeyo Ingiriiska ayaa ogolaansho looga helay in la soo saaro baaqii adkaa ee maamulka Hargaysa ee Soomaaliland loogu sheegay inuu ciidankiisa kala boxo dhulka gobolka Sool. Waa arrin si cad oo aan gabasho lahayn Soomaaliland ugu ah farriin sheegaysa in aysan mar dambe ku doodi karin gobollada ay sheegtaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ee dadka deggani aysan ogolayn gooni-u-gooshada maamulka Hargaysa doonayo.

Golaha Isimada dhaqanka SSC ayaa qaraar ay soo saareen 6dii Febraayo, waxay Soomaaliland u sheegeen in ay ka baxdo dhulka SSC-Khaatumo isla markaasna tagto tuulada Oog iyo wixii ka shisheeya oo ah xad-beeleedka Isaaq iyo Sool clan. Hase yeeshee, maamulka Muuse ma aanu aqbalin arrintaas.

Geba-gebadii, taariikhdu iyadaa is qorta’e waa in siyaasiyiinta Soomaaliland ee uu marakan hormuudka u yahay Madaxweyne Biixi ay ka fiirsadaan oraahdii ay ku celcelin jireen mudada dheer ee ahayd xuduuddii Ingiriisku u jeexay Soomaalilandtii uu guumaysan jiray 60kii ka hor ayaanu xaqiijinaynaa; iyo Sool, Sanaag iyo Cayn waa dhulkii Ingiriisku nooga tegay.

W/Q: Warsame Cabdiraxmaan. Tani waa aragtida gaarka ah ee qoraaga ku saxiixan Qormadan

The post Qormo: Ingiriiska oo u quus gooyay doodii Somaliland ee sheegashada Xuduudaha SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this