Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanku malaha awood sharci oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland….

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha Ammaanku malaha awood sharci oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland
facebook sharing buttonemail sharing button

202368638218344430373573.jpg

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Golaha Ammaanku aanu lahayn awood sharci oo uu kaga hadlo arrimaha Somaliland.
Faysal ayaa sheegay in Somaliland anay xubin ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida darteedna anay jirin awood sharci oo uu goluhu Somaliland kaga hadlo.

”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya” ayuu yidhi Faysal.

Golaha Ammaanka oo shalay warbixin kasoo saaray dagaalka Laascaanood, ayaa Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood, taasi oo xukuumada Somaliland ay diidmo kaga jawaabtay.

Sidookale golaha ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in ay miiska wadahadalka iskugu yimaadan  oo colaada wadahadal lagu dhameeyo.

The UNSC has no legal or moral jurisdiction over Somaliland since we are not a member of the UN and they don't make any attempt to address the status of Somaliland in their deliberations. Either you acknowledge our existence or you spare us your preaching. pic.twitter.com/dEf8Dm9YgZ

— Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) June 7, 2023

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this