Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne MUSEVENI oo laga helay xanuunka…

Recommended Posts

Deeq A.   
Museveni.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka xalay, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.

Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shakiga inuu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID.

Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID, ayaa had iyo jeer lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask.

Xanuunka COVID-19 oo soo shaac baxay bishii December 2019, ayaa caalamka ku dilay dhwor milyan oo qof labadii sano ee ugu horreeyey hase yeeshee wuxuu yaraaday 2022, kadib markii la helay tallaalka xanuunka.

REUTERS + VOA

The post Madaxweyne MUSEVENI oo laga helay xanuunka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this