Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Isimada Dhaqanka SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1686190139192.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xalay casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Isimada Dhaqanka SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this