Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ugu horrayn xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa ugu baaqay Somaliland in ay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo goobaha dagaalka, islamarkaana ay dhinacyadu xakameeyaan.

Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this