Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dowladda Federaalka ku eedaysay in ay musuq maasuq ku samaysay arrimaha Xajka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkan u maareysay arrimaha Xajka.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay wax ay ku tilmaantay musuq maasuq iyo eex dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay qeybsiga saamiga Xajka.

” Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay Canbaaraynaysaa boobka,eexda iyo musuqmaasuqa ay Wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga,maamulka iyo Adeegyada Xajka ” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybsiga saamiga Xajka ee sannadkan islamarkaana Puntland 850 kursi ka siisay tirada guud oo dhan 11,500.

received_1663369257444265.jpeg?resize=10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dowladda Federaalka ku eedaysay in ay musuq maasuq ku samaysay arrimaha Xajka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this