Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed ka soo baxay Casho-sharafeed M/weynaha Somalia ku maamusay Isimada Dhaqanka SSC_khaatumo+Waxyaabahay ka wadahadleen

Recommended Posts

Deeq A.   
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY ISIMADA DHAQANKA GOBOLLADA SOOL  SANAAG EE MAALMAHAN JOOGAY MUQDISHO
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia
351526643_1209470606432077_5929326761380
352396585_271620995339294_70813053832301
352225495_207297112249778_56854710373993
351834715_1621970241616930_1910734684654

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this