Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan iyo R/W Xamza oo si wadajir ah ula kulmay Isimada SSC + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
351526643_1209470606432077_5929326761380

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa todobaad ka badan ku sugan qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan kulamo ka wada gudaha caasimada isla-markaana ku aadan dagaalka Laascaanood.

Isimada ayaa waxaa xalay xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib casho sharaf ka qabsoontay xarunta madaxtooyada qaranka.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid ay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho ula wadaagayee madaxda heer federaal xaaladda deegaanka, gaar ahaan dagaalka weli ka socda aagga magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

Dhanka kale, Isimada SSC ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii dowladda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxaa kale oo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi, inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac oo mararka qaar is dhaafsada madaafiic.

351526643_1209470606432077_5929326761380 351834715_1621970241616930_1910734684654 352225495_207297112249778_56854710373993 352396585_271620995339294_70813053832301

 

The post Madaxweyne Xasan iyo R/W Xamza oo si wadajir ah ula kulmay Isimada SSC + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this