Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan DF ‘oo loo xiray’ xatooyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Xeer-ilaaliyaha-qaranka-saleebaan-suleyb

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo maareeyey kiiska 36 qof oo ajaanib ah oo shalay lagu xukumay Muqdisho.

Sidoo kale Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaas oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka.

“Saraakiil ciidan, shaqaale dawladeed iyo masuuliyiin kale ayaa u xeran xatooyada xoolo dad wayne, dhawaana Maxkamad ayaa la soo taagi doonaa dhamaantood,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in hantida dadweynaha ay ilaalinteeda masuuliyad gaar ah iska saari doonaan, qofkii lagu qabta isagoo xadayana ay sharciga horgey doonaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan lee yahay lacag dawladda lee dahay Sarkaal ama qof kasta oo dowladda ka tirsan Accoun gaar ah looguma shubi karo, haddii aad qayb ka noqoto arrintaas, ogow in aad danbiga qayb ka tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska 36 nin oo ajaanib ah, kuwaas oo u kala dhashay wadamada IIraan iyo Pakistan.

“Markii aan baarnay waxaan u gudbinay maxkamadda, waxaana qof kasta lagu xukumay 11 kun oo dollar, lacagtaas waxay noqoneynaa (seddax boqol sagaashan iyo lix kun) iyo $30 kun oo dollar oo kalluunkii ay xadayeen lagu qiimeeyey,” ayuu yiri Xeer ilaaliyuhu.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa u digay ajaanibta ku hamineysa inay si sharci darro ah ku soo raadiyaan kheyraadka Soomaaliya, isagoo dadka Soomaalida ah ee ku howlan inay ajaanibta ka caawiyaan falalka xatooyada ah ugu goodiyey inay mari doonaan ciqaab adag.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha wuxuu baaritaan ku hayaa dad aan weli lasoo xirin, qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan DF ‘oo loo xiray’ xatooyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this