Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wiilka Museveni oo farriin culus soo gaarsiiyey Xasan kadib weerarkii…

Recommended Posts

Deeq A.   
352215976_962438485075839_52363848846785

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi oo ah La-Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sarkaalkaan waxaa Aabihiis ah Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, wuxuuna ugu kalsoonyahay si aad ah.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramay wafdiga Uganda sida ay dalka uga socdaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wafdigaan la wadaagay caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halganka xoreynta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiigga iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Safarkaan uu dalka ku yimid la taliyaha dhanka howlgallada ee madaxweynaha Uganda, wuxuu ku soo aadayaa maalmo kadib, markii ciidanka Uganda lagu laayey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ka degaanaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha Uganda ayaa qiray in 54 lagu dilay weerarkaas, wuxuuna shaaciyey inay jirtay dayacaad sababtay in ciidanka sidaas loo laayo.

Dhankooda Al-Shabaab waxay soo bandhigeen muuqaal muujinaya sida uu weerarkaasi u dhacay, sidoo kale waxay soo bandhigeen cadeymo muujinaya inay nolosha ku wateen dhowr askari.

Ciidanka Uganda waxaa lagu tilmaamaa kan ugu badan ee howlgalka ATMIS, waana markii ugu horeysay oo weerarrada Al-Shabaab uu jab noocaas ah ka soo gaaray, taas oo caro badan ku abuurtay dowladda iyo shacabka Uganda.

351757890_631176745703323_69541510018329 352215976_962438485075839_52363848846785 xasan-sheekh.jpg?resize=696%2C595&ssl=1

351389459_825609488907040_62240674251332

The post Sawirro: Wiilka Museveni oo farriin culus soo gaarsiiyey Xasan kadib weerarkii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this