Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxwayne, haddii Cabdirisaq Khaliif sifo sharci-darro ah xilka looga qaado, adna sifo sharci-darro ah ayaa xilka lagaaga xayuubinayaa…” Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Mubaarik Xeel-dheere oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si addag uga hadlay tallaabada aan sharciga waafaqsanayn ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonayso inay xasaanada iyo xilka iyo xubinimada Golaha kaga qaado Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif Axmed

Xildhibaan Xeel-dheere oo isagu ku sugan Magaalada Burco war-baahinta la hadlay ayaa yidhi sidan:“Golaha Wakiilaadu maaha malcaamada uu ina Biixi haysto,Guddoomiye Cabdirasaaq khaliif wuxuu ku amba baxay sifo sharci ah oo uu Madaxweynuhu oggaa oo Golaha fasax ayuu ka qaatay kii ayuu ku maqan-yahay weli,Golaha ayey u taal arrintiisu,lakiin maaha mid u taala ina Biixi iyo ina Xaaji Cali iyo ina Hayaanka Xeer illaaliyaha ah mid-na,arrintan waa fal wax-shinimo ah oo sharciyadda baal-marsan “

Xildhibaan Xeeldheera ayaa sheegay in xeer illaalinta iyo Maxkamadda Sarre ay sameeyey sharci jebin, isla markaana ay tallaabooyinka ay qadeen ay yihiin qaar dastuurka khilaafsan “Sida aad ku arkaysaa war-baahinta Maxkamadii Sarre ayaa hawsheedii iska bilaabatay iyadoo aan la soo gaadhi Golayaashii ,haddaba Waxa si badheedh ah la iskaga indho tiray nidaamkii sharci eeuu jideeyey Dastuurka Qaranku,iyado uu xeer ilaaliyihii guud uu ku guul-daraystay inuu raaco nidaamkii Dastuurka jideeyey ee ahaa in xubinta marka hore maamuuska laga xayuubiyo,lakiin Xildhibaankii uu ula dhaqmay sidii qof shacab ah ,dacwadiisina uu ugu gudbiyey Maxkamada Sare markaa waxay ahayd-ba inuu Maxkamada kale u gudbiyo oo aanu Maxkmaddaha kale tegin-ba “

“Dastuur jebinta labaad ee la sameeyey waxay ahayd waxay Maxkamadda Sare ay Xildhibaankii haystay xasaanadii ama maamuuskii isagoo laga xayuubin ayey warqad yeedh-mo ah u dirtay,waxaanay ula dhaqantay sidii qof shacab ah “ayuu yidhi Xildhibaan Xeeldheere

Geesta kalena Xildhibaan Xeel-dheere ayaa ka digay haddii uu qorshahan sharci darrada ah ee ay wadato Xukuumaddu uu u hirgalo inay Xildhibaano kale la beegsan doonto “Haddii ay hirgasho in Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif laggu soo eedeeyo ama xilka lagga qaado nidaamkan khaldan ee dastuur jebinta ah,waxay galaafan doontaa Xildhibaano kale oo jooga..”
“Khiyaamadda ugu weyni waa khiyaamadda lagga gallo dastuurka ,waxaynu ognahay inuu dastuur illaaliyaha koobaad ee Qaranku yahay Madaxweynaha ,haddii uu arrinka fooshan xun ee dastuur jebinta ah uu ka aamuso waxa dhici doonta in isagana si aan dastuurka iyo sharciyadda dalka waafaqsanayn xilka loogga qaadi doonno.”ayuu yidhi

Xildhibaan Mubaarik ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay tallaabo ka qaadi doonaab weerarka sharci darrada ah ee ay ku soo qaaday Golaha Wakiillada Xukuumadda Muuse ee uu wakhtigeedii dhammaaday “weerar ayaa golaha lagu soo qaaday sharciyaddii-na looma marrin qaniin-yo ayaa qaniinyo kaa gowysa waxa aanu samaynayno waa la garanayaa.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this