Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Xoojinta Iskaashiga labada dhinac

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa saacadihii hore ee Arbacada maanta ah la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadleen arrimo badan oo labada dhinac ah, kuwaas oo ahaa ‘wadahadallo furan oo daacad ah’ sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Diblomasiga ugu sarreeya Maraykanka ayaa Sucuudiga soo gaaray Talaadadii, waxaana booqashadiisu aheyd mid si weyn loo sugayay, iyada oo uu xiriirka labada dal aanu wanaagsaneyn, sababo la xiriiraa khilaaf qotodheer oo ku saabsan qodobbo dhowr oo ah ay ku jiraan siyaasadda Iran ee arrimaha amniga gobolka, qiimaha shidaalka iyo xuquuqul insaanka.

Washington waxa ay sidoo kale rajaynaysaa inay sii waddo wadahadallo ku saabsan suurtogalnimada in caadi laga dhigo xiriirka ka dhexeeya boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’iil, iyada oo ka hortagaysa ballaarinta saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ee gobolka.

Blinken iyo dhaxal sugaha boqortooyada, oo sidoo kale loo yaqaan MbS, ayaa kulmay saacad iyo afartan daqiiqo, sida uu sheegeay sarkaal Mareykan ah, iyaga oo ka hadlay mowduucyo badan oo ay ku jiraan Israel, colaadda Yemen, qalalaasaha Suudaan iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Xoojinta Iskaashiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this