Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
349157438_1303057743754425_5521108011403

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood. 

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. 

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.  

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo. 

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka. 

Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha gobolka
351320887_1471018966971280_5940468396126

The post Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this