Saalax Posted June 6, 2010 CEERIGOOBO(OODWEYNENEWS)- Waxa maalintoodii 1-aad fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Uicd oo aad u tiro badan. Fagaarahan laysugu soo bxay oo ay ka muuqanaysey jawi nabdoon iyo xasillooni ayaa waxa taageerayalka kala qayb galay guddoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur iyo xubno kale oo xisbigan ka tirsan oo isugu jira heerar kala duwan. “Xisbigeenna halku dheggiisu waa nabadgelyada iyo tacliinta oo midkoodna la’aantiis aanay dhallinyaradu ka maarmi Karin ama horumar samayn karin markaa waxan idinkula dardaarmayaa in aad taageerada codkiinna siisaan Ucid”. Sidaas waxa yidhi guddoomiye-xigeenka guud ee garabbada dhallinyarada xisbiga Ucid Mubaarik Axmed Saalax. “Maalinba xukunka cid baa haysee manta idinka gacantiinnuu ku jiraaye gacantiinna haysku gawricina codkiinnana siiya xisbiga caddaaladda iyo sinnaanta ee Ucid iyo madaxweynaha xisbigan Feysal Cali Waraabe”. Sidaas waxa yidhi Saalax Barre oo isaguna fagaarahaas ka hadlay. “Xisbigani waa xisbiga sida aad ku maqlayseen barnaamijkiis waxqabad u adeegaya aqoonta caddaladda iyo daryeelka bulshadeenna codkiinnuna waa waraaqaha/kaadhadhka guryaha iyo shendedeheenna ku jiree isaga aynu dooranno”. Sidaas waxa tidhi guddoomisada garabka haweenka Ucid ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo ugu danbayn fagaarahaas hadal kooban ka yidhi ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa Ad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa sedan ballaadhan ee aad isugu soo baxdeen una muujiseen dareenkiinna iyo shucuurtiinna ku waajahan taageerada xisbigan Ucid”. “Waxan kaloo idiin sheegayaa labada xisbi ee kale midkoodna kan kale wax uma oggola laakiin labaduba innaga (Ucid) waa oggolyihiin markaa waxan rajaynayaa in aynu kuu guulaysanayno doorashada madaxweynaha ee innaku soo fool leh”. “Mabda’eennuna waa in aynu wanaagga xaqa iyo caddaaladda ka shaqayno waxana la gaadhey xilligii caddaaladda iyo daryeelku shaqayn lahaayeen qolyaha walaalaheen ee la qaldayna warkeenna gaadhsiiya”. Intaas kaddibna dadweynihii taageerayaalka Ucid ee fagaarahaas ka dareeray iyagoo isku duuban oo ay weheliyaan baabuur ta yar yar islamarkaasna ruxaya calaamadaha/boodhahdhka halku-dhegyada iyo sawirrada ladaba murashax ee xisbigan waxay socod ku mareen dhammaan suuqyada ,agaalada Ceerigaabo iyagoo markii danbena isugu tegey xarunta guud Ucid ee magalad Ceerigaabo kaddibna lan iyo qayb waliba si deggan goobohoodii ugu dhaqaaqeen. Weriiye-Darwiish Oodweynenews.com/ Ceerigaabo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted June 6, 2010 manshallah if i were UDUB i would be worried about events in CEERIGABO, GABILEY AND BORAME strong UDUB constituancies that seems to be abandoning UDUB for kulmiye and UCID, i mean take borame for case it was shock to everyone how kulmiye and UCID are surging in popularity, which seems to come on the back of dispute between major clan player within Awdal and Saylac. i dont believe UDUB can afford to lose alot of votes in western somaliland + Ceerigabo with nothing garenteed in hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites