Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo Maamul cusub u magacowday Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jubaland ayaa Caawa mas’uuliyiin cusub u magacowday Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu magacaabay Maamulka cusub ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cabdi Jaamac halka Cismaan Nuux Xaaji loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Gedo ayaa loo magacaabay Nasteex Cabdi Saalax sida ku cad wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Jubaland.

Ibraahim Madoobe Maxamed ayaa sidoo kale loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada halka Maxamed Xuseen Isaaq loo magacaabay Xoghayaha Gobolka Gedo.

FB_IMG_1686085269761.jpg?resize=720%2C12

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo Maamul cusub u magacowday Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this