Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Governments strategy for SOM made public (Somalia has been divided into six regions)

Recommended Posts

Jamhuuriyada Soomaaliya

 

Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya

 

 

Qorshaha Daraasada Dib u dhiska iyo Horumarinta Dalka Soomaaliya

 

15 Sano oo dagaalo sokeeye iyo burburin ay ka socodeen dalka soomaaliya ka dib waxaa DFKMG ah iyo Beesha Caalamku isla garteen in Dib u dhis iyo horumarin lagu sameeyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Dalka.

 

Hadaba si loo fuliyo qorshahaas waxaa loo baahday in marka hore dhamaan gobolada laga soo sameeyo daraasado loogu guur geliyo baahidooda dib u dhis iyo horumar iyadoo gobolka kasta loo dirayo aqoon yahano Soomaaliyeed iyo quburo ajnebi ah si ay ula soo kulmaan waxgaradka degmo kasta ka dibna baahida dib u dhis iyo horumarineed ee dalkoo dhan laysugu keeno.

 

Si hawshaasi u fududaato waxaa dalka Soomaaliyeed loo qaybiyey lix Aag oo kala ah

 

1) Somaliland

 

2) Puntland

 

3) Central ( Hiiraan, Galgaduud, Sh/dhexe and South Mudug)

 

4) South West( Bay, Bakool, Sh/hoose)

 

5) South (Gedo, J/dhexe iyo J/Hoose)

 

6) Banaadir ( 16 degmo)

 

 

Arimaha Daraasad Cilmiyeedka laga soo samaynayaa waa 6 qaybood oo muhiim ah iyo 3 qaybood oo saamayn ku leh guul ka gaarsita daraasadaha.

 

Lixda Qaybood

 

1) Xukun Wanaag, Nabadgelyo iyo ku dhaqanka sharciga

 

2) Hab dhaqaaleedka guud oo Baahsan

 

3) dib u dhiska iyo horumarinta wadooyinka, Buundooyinka, Dekedaha, Airpordada

 

4) Daryeelka Bulshada sida Caafimaadka, waxbashada IWM

 

5) kordhinta Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha, kaluumaysiga iyo Hagaajinta jawiga waxsoosaarka.

 

6) Kor u qaadida nolosha Dadweynaha iyo xal u helida dadka gudaha dalka ku barakacay

 

Sadex qaybood oo wada Saamaynaya

 

7) dib u hesheesiinta, nabad ku wada noolaanshada iyo ka hortegida iska hor imaadyada

 

8) kor u qaadida awooda maamul iyo horumarin lahaa hay’adaha jira ( mid dawladeed ama mid gaar loo leeyahay) loogana hortegi lahaa musuqmaasuqa.

 

9) dhowrista xuquuqda Aadanaha iyo qaderinta haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

 

Qaab dhismeedka Hawlwadeenada

 

1. Hawl wadeenada Heerka koowaad

 

Gobol kasta waxaa laga doonayaa 8 xubnood oo ku salaysan Degmooyinka iyo qaybaha bulshada ee gobolkaas wada degta, marka laga reebo muqdishu oo 16-ka degmo midiiba laga rabo 2 xubnood, kuwaasoo aqoon u leh in ay cabiraan oo quburada u imaan dooonta ka dhaadhiciyaan baahida dib u dhis iyo horumarineed ee gobolkooda u baahan yahay.

 

2. Hawl wadeenada heerka Labaad

 

Lixdaas aag ee aan kor ku soo sheegay aag kasta waxaa laga doonayaa hal isu duwe iyo 6 xubnood oo midba qabiir ku yahay mid ka mid ah 6 qaybood ee daraasada laga soo samaynayo kuwaasoo awood u leh in ay Quburada Caalamiga ah kana dhaadhiciyaan Baahida Dib u dhis iyo Horumarineed ee ka jirta aagaas iyagoo kaashanaya Hawlwadeenada heerka koowaad iyo dhamaan qaybaha bulshada.

 

3. Hawl wadeenada heerka sadexaad

 

Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxaa laga doonayaa 12 aqoonyahan oo hadhow noqon kara Agaasimayaal guud ee Wasaaradaha.

 

4. Hawl wadeenada Heerka Afraad

 

Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto waxaa laga doonayaa 12 aqoon yahan oo heer caalami ah isla markaana magic iyo sumcad wanaagsan ku leh ummadda Soomaaliyeed.

 

5. Hawl wadeenada Heerka shanaad

 

Bangiga Aduunka iyo UNDP waxaa laga doonayaa Quburo heer caalami ah oo tiro ahaan u dhiganta hawlwadeenada 2,3 iyo 4-aad.

 

Cida xulaysa

 

1. Hawl wadeenada heerka koowaad waxaa soo xulaya maamulka gobolka iyo degmada waana in ay yihiin dad u dhashay degaankaas magac iyo sumcadna ku dhex leh bulshada gobolka ku dhaqan xogogaalna u ah baahida dib u dhiseed iyo horumarineed isla markaana ay ka dhex muuqdaan dhamaan qaybaha bulshada sida culimo awdiinka, Ganacsatada, haweenka, madaxda dhaqanka.

 

2. Hawl wadeenada Heerka labaad iyo kan sadexaad marka laga reebo Somaliland iyo Puntland waxaa soo xulaya Wasiirada iyo xildhibaanada DFKMG ah ee Soomaaliya ee afarta aag ee kale ka soo jeeda.

 

Shuruudaha laga doonayo Hawlwadeenada heerka 2 iyo 3-aad

 

Waa in uu Soomaali yahay, hawl kale aanu hayn (fulltime)

 

Waa in uu leeyahay aqoon Master Degree ah ama Bs degree 10 sano oo waayo aragnimo ah leh oo la xiriirta shaqada uu codsanayo.

 

Waa in luuqada Englishka si fiican u yaqaan si fududna ugu diyaarin karaa report dheer computerkana adeegsan karaa.

 

In uu daacad u yahay dadkiisa iyo dalkiisa isla markaana leeyahay dareen Soomalinimo iyo aragti dheer oo aqoonyahanimo.

 

Hawl wadeenada heerka 3-aad waa in ay yihiin kuwo u diyaar ah in ay dawladda u shaqeeyaan isla markaana ku shaqayn kara duruufaha jira

 

Hawl wadeenada heerka 3-aad waa in ay yihiin kuwo u diyaar ah in ay dawladda u shaqeeyaan isla markaana ku shaqayn kara duruufaha jira.

 

Hawwadeenada heerka 3-aad waa in uu aqoon u leeyahay guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Waa in uu soo gudbiyaa CV leh raadraac (references).

 

hawl wadeenada Heerka 4 iyo 5 waxaa soo xulaya Bangiga Aduunka iyo UNDP iyagoo la tashanaya DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Waqtiga Hawl galka

 

Talaabada Koowaad- 15 – 18 November 2005 waxaa magaalada Nairobi ka furmaya aqoon is weydaarsi ay isugu tegayaan lixda isu duwe ee hawlwadeenada heerka labaad, hawlwadeenada Heerka 3,4 iyo 5-aad si ay isu soo bartaan, laysula meel dhigo istaatiijiyadii lagu meel marin lahaa daraasadan qiimaha weyn ugu fadhida dalka deeq bixiyayaashuna sugayaan dibna loogu kala qaybiyo lixda Qaybood iyo aag ee aan kor ku soo sheegay.

 

Talaabada labaad- Isu duwaha aag kasta oo ay la socdaan Quburo soomaaliyeed iyo kuwo ajnibi ah ayaa dib ugu soo laabanaya dalka waxayna Hawlwadeenada Heerka koowaad iyo labaad u qabanayaan aqoon isweydaarsiyo ay ugu gudbinayaan sida hawsha loo qbanayo isla markaana waxaa qoraal ahaan laysla meel dhigayaa baahida dib u dhis iyo horumarineeed ee aaga.

 

Talaabada sadexaad- Hawlwadeenada aag kastaa waxay isu qaybinayaan lixdii qaytbood ee daraasadu ku saabsanayd waxayna bilaabayaan in ay soo dersaan oo indhahoodu ku soo arkaan baahida jirta ee degmo iyo tuulo kasta oo dalka ah.

 

Talaabada Afraad Daraasadii la soo ururiyey ayaa aag kastaa goonidiisa isula soo noqonayaa waxaa la qabanayaa aqoon is weydaarsi la mid ah kii talaabada labaad la qabtay kaas oo laysugu geynayo macluumaadkii laga soo ururiyey degaanada ay u xil saran yihiin ka dibna waxaa laga ansixinayaa dadka degaanka.

 

Talaabada shanaad Daraasadihii lixda jaho ayaa laysu keenayaa oo laga ansixinayaa golaha wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya

 

Talaabada lixaad Waxaa Daraasada loo gudbinayaa shirka Deeq bixiyayaasha Caalamku ku yeelanayaan magaalada Roma ee wadanka talyaaniga horaanta sanadka 2006 waxaana laga filayaa deeq bixiyayaasha in ay ku yaboohaan maalgelinta loogu baahanayo dib u shiska iyo horumarinta dalka.

 

Talaabada Todobaad Waxaa la bilaabayaa dib u dhiskii iyo horumarintii gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan bartamaha sanadka 2006 Inshaa Allah.

 

Sidaas awgeed, waxaa bulshada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan laga codsanayaa in ay gacan siiyaan hawlwadeenada Daraasada samaynaya oo ay u gudbiyaan baahidooda dib u dhis iyo horumarineed ee degaankooda.

 

Sidoo kale aqoonyahanada awooda u leh in ay buuxin karaan jagooyinka kor ku xusan waxaa laga codsanayaa in ay si deg deg ah ugu gudbiyaan CV-gooda cidda u xilsaaran xulidooda.

 

 

Xigasho Dalka-Somalia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

1) Somaliland

 

2) Puntland

 

3) Central ( Hiiraan, Galgaduud, Sh/dhexe and South Mudug)

 

4) South West( Bay, Bakool, Sh/hoose)

 

5) South (Gedo, J/dhexe iyo J/Hoose)

 

6) Banaadir ( 16 degmo)

Intii gobol dhis lagu dag dagin waxaa ka horeyso waa in horta la helaa nabad, dowlad shaqeyso (not mid sadex qeyb u kala go'day) iyo gobolada la sheegaayo dadkeeda in lala soo shiraa.

 

Teeda kalena af Soomaali baa ku hadalnaa, Soomaali baa nahnay. Gobolada waa inay magac Soomaali lahaadaan. Mida sadexaadka sidooda ha loo daayo, gobol walba sideeda ha isku maamusho, oo sidooda "federal" haku ahaadaan. Hadii wax la badalaayana lagu adkeystay, ha lagu soo celiyo sidii Kacaanka kahor gobolada ahaan jireen, oo kala ahaa:

  • Mudug (whole Mudug iyo Galgaduud)
  • Banaadir (Shabeellada Hoose iyo Banaadir)
  • Jubbada Sare (Baay, Gedo, Bakool and parts of Jubbada Dhexe)
  • Jubbada Hoose (parts of Jubbada Dhexe and Jubbada Hoose)
  • Hiiraan
  • Waqooyi Galbeed (Awdal iyo Waqooyi Galbeed)
  • Waqooyi Bari (Togdheer, Sanaag iyo Sool)
  • Bari (oo magac qabiil wadatay, consisting Bari iyo Nugaal)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

This is putting the cart before the horse kinda deal.

 

One of the political maxim, from prince the book (not sure where I read it or heard it), is not to declare measures you don't have the means to implement them...it just exposes the weaknesses of your power. Jowhar faction has a high moral ground especially in its stated aims namely stablizing Somalia and reinstating the political State with all its trappings. What it lacks is a genuine leadership that's well versed in politics and the art of compromise.

 

It is true that the strong man has budged twice (with great difficulty and for the first time we have seen him swallowing his pride) but to tell the bitter truth it was too damn late. Why for the love of Allah would you declare 20000 force you don't have and can't get...scare the lords! Well he did that alright.

 

Things are not happening friends and this talk of dividing the country into regions without consulting with the very powers that denied this government its place and contained it in the Mohamed Dheere's turf won't fly and he knows it but this is for the consumption of the flag wavers I guess for they swallow anything and I mean anything...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this