Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
351413413_915021319592827_43439510813589

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiir Cilmi oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa Hhey’addaha maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku wehliyay furitaanka shirkaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Hon. Raho Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Hon. Cabdiqafaar Xaange.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Geba-gebada shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, oo dhinacyadu ku gaareen shirkaan maanta ka furmay.

351333235_219141681058665_38084480227896

351413413_915021319592827_43439510813589

351332617_6195077867276479_8661140406171

351319628_294515593030766_33152524348647

The post Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this