Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu, huge demo's in suupport of new PM

Recommended Posts

Isu soo bax lagu taageerayo Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha Cusub Nuur Cadde oo ka bilowday Qeybo ka mid ah W/Muqdisho.

 

Isu soo bax ballaaran ayaa goor dhoweyd ka bilowday qeybo ka mid ah Deegaanada Waqooyiga Muqdisho, wax yar kadib markii lagu dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya inuu noqdo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

 

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka Waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo socod ku maraya, deetana ku dhawaaqaya erayo kala duwan oo ay ku taageerayaan magacaabida Nuur Cadde.

 

Isu soo baxan ayaa waxaa sameynaya Taageerayaasha Nuur Cadde ee degta waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin magacaabida Colneylkaas ka soo jeeda Beesha '

 

]Wadada Beexaani, Isgoyska Sanca, agagaarda Hotelkii Jubba, Wadada Kaluunka ilaa Isgoyska Kaaraan ayaa waxaa is qabsaday dadweyne fara badan oo caleemo qoyan sita, kuwaasi oo ku faraxsan magacaabista Nuur Cadde oo ka dhashay Jufo yar oo ' ka tirsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbaxyo lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe.

 

Banaanbax si weyn loo soo agaasimay ayaa saakay markii lagu dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa uu ka dhacay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kala ah Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan.

 

Dadweynihii Banaanbaxa ka qeybgalay oo caleemo qoyan ruxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayeen Ra’iisal Wasaaraha cusub, waxayna qaar ka mid ah dadkaas ay sheegeen in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu noqon doono mid Soomaaliya ka bixiya dhibaatada ay ku jirto.

 

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kana mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka hadlay magacaabista Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha cusub uu yahay nin ay si weyn u yaqaaneen muddo dheer, isla markaana uu ku kalsoon yahay in uu xilka loo magacaabay gudan karo, isagoo hoosta ka xariiqay in Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay uu yahay sida uu hadalka u yiri nin sharci-yaqaan ah oo ku bannaan in xilkaas loo magacaabo.

 

Sidoo kalena banaanbaxyo lagu taageerayay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay ka dhaceen Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ee Gobollada Bari iyo Nugaal, iyadoo qaar ka mid ah Dadkii banaanbaxaas isugu soo baxayna ay sheegeen in ay taageerayaan wax kasta oo ay sameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay soo af-jareysaa su’aal ay maalmahan is-weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ahayd qofka uu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo jireen mas’uuliyiin badan oo isu soo sharaxay in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu taageerayo Raisulwasaaraha Cusub ee DFKM oo ka dhacay Muqdisho

Last Updated::2007-11-22 15:43:07

 

Muqdisho(HRNet):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo R/Wasaaraha DFKM Col.Nuur Xasan Xuseen Cadde qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo C/Casiis iyo Madiina waxaana dadkii isku soo baxay ay ku dhawaaqayeen magaca R/Wasaaraha Cusub iyo erayo ay ku taageerayaan DFKM iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

 

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka waaweyn ee degmooyinka Kaaraan,Shibis iyo C/Casiis iyo Madiina.

 

Banaanbaxan ayaa waxa uu ka danbeeyey kadib markii magaalada Baydhabo uu Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf uu magacaabay R/Wasaaraha Cusub ee DFKM Col. Nuur Xasan Xuseen Cadde,oo kasoo jeeda beesha Mudulood oo inta badan degan Gobalka Banaadir.

 

Waxaa dad badan ay is weydiinayaan waxa uu ka badali karo Raisilwasaaraha cusub ee DFKM xaalada dalka ku sugan yahay gaar ahaan Amaanka Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan bax lagu taageerayo R/Wasaaraha Cusub ee Somaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

 

Taariikh Nololeedka Col. Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde

 

November 22, 2007 Markacadeey

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayay magacaabista R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan,C/Casiis iyo Shibis iyadoona ay dadku sheegeen in ay la shaqeyn doonaan dawladda Cadde.

 

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu riyaaqeen markii la magacaabay Nuur Cadde iyagoona sheegay in ay la gudboon tahay shacabka Somaliyeed in ay la shaqeeyaan Xukuumadda Cusub.

 

Banaan baxaayasha ayaa kor u hayay Calanka Somaliya iyagoona sheegayay in Xukuumadda Nuur Cadde ay noqon doonto middii shacbiga Reer Muqdisho ka bixin laheyd dhibaatooyinka heysta.

 

R/Wasaaraha Cusub Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa kasoo jeeda deegaanadaasio iyadoona uu ku dhaw yahay beel ahaan R/Wasaarihii ka horeeyay waxana uu yahay aqooniyahan dhanka Caalamka si weyn looga yaqaano.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balcad: Bannaanbax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe

23. November 2007

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Balcad(AllPuntland)- Dadweyne fara badan oo maanta u soo baxay sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan taageerista iyo soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa maanta ka kala dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh.Dhexe.

 

Degmooyinka Balcad iyo Warshiikh ayaa maanta dadweyne fara badan oo ka kala yimid tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi ay maanta isugu soo baxay fagaaraha labada degmo kuwaasoo watay caleemo qoyan isla markaana soo gudbinayey shiribyo, gabayo iyo guurow lagu taageerayey Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.

 

Degmada Balcad ayaa waxaa isugu yimid dadweyne gaadiid looga keenay 82 tuulo oo hoos yimaada degmadaasi kuwaasoo isugu soo baxay xarunta barxadda warshada Balcad halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha degmada Balcad Md. Maxamuud Xuseen Gudbaaye isagoo ugu mahad noqay mas'uuliyiinta iyo dadweynaha soo bandhigay abaabulkaasi lagu soo dhoweynayo Ra'iisul Wasaaraha cusub.

 

Dhinaca kale degmada Warshiikh ayaa sidoo kale waxaa isugu soo baxay dadweyne tiro badan oo soo bandhigayey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka deegaankaasi oo ay ku muujinayeen inuu ka soo jeedo Ra'iisul Wasaaraha cusub Nuur Cadde, iyagoo suugaantoodana ku muujinayey amaan iyo ducooyin ay u gudbinayeen iyadoo gabagabadiina halkaasi ay ka hadleen mashaa'iqda degmada iyo Guddoomiyaha C/raxmaan Macallin Axmed.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this