Deeq A. Posted June 6, 2023 Kenya ayaa sheegtay in ay xidhay safaaradeeda Khartuum si ay u ilaaliso shaqaalaheeda,taasi oo albaabada u xidhi karta daad gurayn kale oo loo sameeyo dadka rayidka ah. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’oei ayaa Isniintii sheegay in dublamaasiyiinta Kenya ee ku sugan Khartoum ay soo food saartay khataro dhanka ammaanka ah, taasoo ku qasbaysa dowladda inay xidho safaaradda. “Waxaan helnaa warar naxdin leh oo ku saabsan beegsiga saraakiisha diblomaasiyadeed ee uga imaanaya kooxaha hubeysan ee iskuhaya Khartoum, Sudan,” ayuu ku soo qoray Twitter. Source Share this post Link to post Share on other sites