Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaaskii ugu saamenyta badnaa Mareykanka oo xabsiga meydkiisa laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan FBI-da oo isu beddelay jaajus Ruush ah kaasi oo noqday mid ka mid ah basaasiinta ugu waxyeellada badan taariikhda Maraykanka ayaa meydkiisa laga helay xabsiga.

Robert Hanssen ayaa laga helay xarunta ugu ammaanka badan ee Florence, Colorado, subaxnimadii Isniinta.

Hanssen, oo 79 jir ah, ayaa helay in ka badan $1.4m oo caddaan ah, intii uu Ruushka u baasasay, Saddex boqol oo wakiil ayaa kiiskiisa ka shaqeeyay.

Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo lagu soo eedeeyay basaasnimo 2002-dii.

Doorkiisa sirdoonka awgeed, waxa uu helay xog sir ah, 1985-kiina waxa uu bilaabay fal-dambiyeedkiisii, isaga oo qoraal u diray Ruushka iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this