Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Parliament Listens from Al-Jabiri Agents

Recommended Posts

Hargeysa (Somalilandnation)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland , ayaa shalay warbixin ka dhegaystay labada ganacsade ee Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho” iyo Cali Ibraahim “Cali Waraabe”

oo wakiilo u ah ganacsadaha Sucuudiyaanka ah Saleebaan Siciid Al jaabiri oo ay xukuumadu la gashay heshiis ganacsi oo ku saabsan dhoofka xoolaha dalka.

 

Labadan ganacsade ayaa hor tagay fadhigii aqalka wakiilada ka dib markii ay shirgudoonku ka dalbadeen inay hor yimaadaan golaha si wax looga weydiiyo muranka dhoofka xoolaha iyo ganacsadaha carbeed ee ay wakiilka u yihiin.

 

Fadhigii golaha oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale , waxa ka hadlay Aadan Axmed Diiriye oo ka warbixiyay waxa uu ku tilmaamay faa’iidada heshiiska Al Jaabiri ugu fadhiyo dalka , waxana uu yidhi “heshiiskan ay ka cabanayaan qaar ka mid ah ganacsatada adhigu , waxa uu dalka u leeyahay faa’iidooyin toddoba qodob ah , waxana ka mid ah dhismaha maxjarka weyn ee Berbera oo aynu baahi weyn u qabnay kana mid ahaa shuruudaha lagu xidho dhoofka xoolaheena”.

 

‘’Qodobka labaad waxa weeyi heshiiskan ayuu la galnay shirkadda Sh. Saleebaan Siciid Al Jaabiri waa mashruucii koowaad ee u horeeyay ee maal gelin ah , iyadoo toddoba sano xoolaheenu aanay haysayn suuq loo iib geeyo , ninkani waa qofkii u horeeyay ee dalkeena aamina waxana uu sanadkii inaga qaadanayaa oo laga iibinayaa hal malyan oo neef oo adhi ah , waxana uu inaga mudan yahay amaan iyo mahad celin , waxa kale oo heshiiskan uu inoo faa’idaynayaa in marka xoolaha markabka la saaro ganacsada loo qadimo lacagtii xoolaha , taasina hore uma ay dhici jirin” ayuu yidhi Aadan Baradho.

 

Aadan Axmed waxa uu sheegay Saleebaan Al jaabiri in uu suuqyada Sucuudiga uga doodo xoolaha Somaliland sidi xayiraadii ay ku soo rogeen loo qaadi lahaa.

 

Ganacsadahaasi waxa uu ka hadlay khilaafka dhoofka xoolaha ka jira iyo cabashada ganacsatada adhiga ee ku wajahan heshiiskii Al Jaabiri , waxana uu yidhi “Adhiilayaasha qaylinaya ee ka soo hor jeeda heshiiskaasi , waa kuwii markii lagaga shirayay qiimaha xoolaha wax ka jaray cabashadooduna waxay la xidhiidhaa dano gaar ah , waxana nin kastaa uu doonayo inuu wakiil u noqdo Al Jaabiri”.

 

“Imika waxaad moodaa in ay wax kala jiidashadii Adhiilayaasha ay dhaaftay buuqana waa mid dibada ka yimid , waxana jira niman carbeed oo doonaya inay mijo xaabiyaan heshiiskan , waayo Al Jaabiri waxa uu ka dheereeyay carabtii kale , markaa carabta xoolaha inaga iibsanayaa xagee ayay xoolaha toddoba sano ku maqnaayeen” ayuu intaasi raaciyay.

 

Aadan Baradho waxa uu sheegay in markii sicir barar dalka soo food saaray heshiiskii xukuumadu la gashay Al jaabiri wax ka bedel lagu sameeyay, oo lagu wada qancay , iyadoo uu qiimihii xoolaha la kordhiyay oo laga dhigay 42 doollar halka xilliga xajkana laga dhigay neefka adhiga ah 45 doollar.

 

Dhinaca kale , waxa fadhiga maanta aqalka wakiilada hor tagaya ganacsatada Adhiga ee ka biyo diidsan heshiiska AL JAABIRI , si loo dhegaysto dooda dhinacooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this