Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Catriona Laing oo soo gaartay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
351133060_956858942201336_10913884301822

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Marwo Catriona Laing ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Soo dhaweynta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda JFS, ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale.

Intaas kadib waxa uu kulan soo dhaweyn ah wasiirku kula qaatay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 3-dii May u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka.

Catriona Laing ayaa waxay kusoo kordhin doonta doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres.

Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

Magacaabista Ling ayaa timid kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

351133060_956858942201336_10913884301822

352342995_9563547880353391_8940001093851

351203116_647237290137641_92445546792735

351168066_1338736970188184_6278101563845

351193731_287972980466029_48072365095095

351156386_583498613910340_87716067081223

351316819_207899352146290_48969210696576

The post Sawirro: Catriona Laing oo soo gaartay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this