Sign in to follow this  
Xarago

Is the noose tightening around Geedi's neck?

Recommended Posts

Xarago   

Geedi:Yaan lagu dag dagin xilka aan hayo in la iga qaado

 

NAI10110131044.jpg

 

Ra'isul Wasaaraha Dawladda Kumeel gaarka ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu oraysay xiligan waxaa soo food saartay cabsi badan oo uu ka qabo in xilka loo dhiibtay uu ku waao Magaalada baydhabo maadaama ay jiraan khilaaf xoogan oo ka dhex muuqanaya Ra'isul wasaare Geedi iyo Madaxweynaha iyo sidoo kale Mudanayaal ka tirsan Baalamanka oo iyaguna ku dadaalaya in xilka laga qaado Ra'isul wasaaraha. Waxaana Geedi uu ka sheegay Baydhabo in xilkiisa hadii laga qaado uu sii xoogaysan doono khilaafka Dawladda. CALI GEEDI WAXAA UU U MUUQDAA MAS'UUL NAFTIISA U DOODAYA OO U HAYSTA IN XILKA LOO DHIIBAY AAN MARNA LASOO AGMARI KARIN.

 

Khilaafka Geedi iyo Cabdulaahi Yusuf.

 

Khilaafkan waxaa uu soo bilawday wax yar kadib markii ay heshiis ku gaareen horaantii January Dalkaasi Yemen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamanka kaasi oo la isku afgartay in kulanka shirka lagu qabto Magaalada Baydhabo ee axrunta u ah xiligan Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya.

 

Waxaana shakiga ugu weyn uu ku dhashay Cali geedi in xiligaasi oo uu tuhmay in la qorshaynayo in isaga xilka looga qaado oo cid kale lagu wareejiyo xilka uu haatan hayo oo uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Shakiga Geedi iyo Ka guuridii Jowhar.

 

Waxaa sido kale qayb ka ah khilaafka Labadan hogaamiye Maxamed Dheere oo isagu mudo sanad ah martigalinayay dawladda oo ku sugnayd Jowhar oo uu gacanta ku hayo, isla markaana waxaa Maxamed dheere iyo Cali geedi ay is tuseen in ka guuridii Jowhar ay salka ku hayso in xilka laga qaado kadibna halkaasi ay ku weyn doonaan xilka iyo Dhaqaale ay ka helei jireen wufuuda shirka ee gudaha iyo dibadda.

 

Mudanayaasha Baarlamanka ee Baydhabo.

 

Xubno kamid ah kuwa ugu fir fircoon ee Baarlamanka ayaa iyaguna wada olole ay doonayaan in xilka looga qaado dawladda Cali Geedi oo ay u arkaan mid fashilan maadaama ay sii kala fogaysay madaxda khilaafka ka dhex aloosan ee ku kala sugnaa Jowhar iyo Muqdisho.

 

OnkodNews, Baydhabo.

 

 

 

Is he right to threaten the outcome if ever there is a motion for his removal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this