Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ay dhisayaan?

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia-Saudi-Arabia-Soomaaliya-Sacuudi.

Riyadh (Caasimada Online) – Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa guddi wadajir ah dhisanaya, kadib kulan ay Riyadh ku yeesheen guddoomiyaasha baarlamannada labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaas Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo xildhibaanno katirsan labada baarlamaan, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Gunnaanadka kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan-gelinta arrimahan iyo xiriirka labada baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

351780215_942524683632040_57161650696719

351464508_1309247369802358_1400017505297

351768349_1318841168844232_3725865255660

The post Muxuu yahay guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ay dhisayaan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this