Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo 10 ka tirsanaa Al-Shabaab kusoo bandhigtay BAYDHABO

Recommended Posts

Deeq A.   
Xubnaha-1024x683-1.jpg?fit=1024%2C683&ss

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 10 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi,

Si kastaba, wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan ku wajahay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si looga horreeyo dagaalyahanada kooxdaasi.

352104298_653099302849383_36539608066956 351140370_200535036272315_37549449319963 351158455_212520915000723_19124801326259 351161871_1264457517771756_6091784486985 351180216_1304795166790893_5033332266047 351183238_176979138641719_64376425959966 351196652_1451586195674054_1392774541950 351309057_149746844762960_17650564658937 351316022_2010048546011891_7453379650617 351325807_621968113204966_48800542418892 Xubnaha-1024x683-1.jpg?resize=696%2C464&

The post Koonfur Galbeed oo 10 ka tirsanaa Al-Shabaab kusoo bandhigtay BAYDHABO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this